Baarlamaanka Itoobiya Oo Soo Gole-joojinaya Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed Iyo Su’aalaha Adag Ee Sugaya Inuu Ka Jawaabo

Addis Ababa (Jigjigaonline) – Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa u yeedhay Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, toddobaad kaddib markii uu dalka ka dhacay qas siyaasadeed oo ka abuurmay inqilaab fashilmay oo ka dhacay Dawladda Deegaanka Axmaarada, halkaas oo lagu dilay madaxweynihii iyo masuuliyiin kale.

Ra’iisal wasaaraha ayaa la filayey inuu Isniintii toddobaadkii hore hor tago Baaralamaanka oo uu warbixin ka siiyo sannad miisaaniyadeedka oo golaha la hor geeyey, halkaas oo uu sharraxaad iyo xogo dheeraad ah kaga siin lahaa xildhibaanada qaababka ay miisaaniyadda usoo xaraynayaan iyo hannaanka isticmaalkaba.

Kulankaas ayaa baaqday markii laba maalmood ka hor oo ku beegnayd Sabtidii Addis Ababa iyo Bahir Dar ay ka dhaceen dilalka Saraakiisha iyo madaxweynihii Maamulka Axmaarada, laakiin ra’iisal wasaaraha ayaa mar kale u diyaar garoobay inuu hor tago baarlamaanka.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Aqalka Baaralamaanka iyo Xafiiska Ra’iisal saaraha midna, hase wararka ka imanaya Addis Ababa ayaa sheegay in Ra’iisal uu Isniinta berri hor tegi doono baarlamaanka, halkaas oo miisaaniyadda iyo qodobbo kale oo xaasaasi ah uu kusoo qaadi doono.

Ra’iisal wasaare Abiy ayaa waxay baarlamaanku su’aalo ka weydiin doonaan dilkii saraakiishii milateriga iyo madaxdii deegaanka axmaarada, kuwaas oo shacabku u dheg taagayaan jawaabaha uu ka bixin doono.