Baanka Adduunka Oo Ansixiyey Malaayiin Dollar Oo La Siinayo Itoobiya

New York (JigjigaOnline) –  Baanka Adduunka ayaa ansixiyey lacago malaayiin dollar ah oo uu siinayo dawladda Itoobiya, taas oo iskugu jirta dayn iyo deeq.

Guddida sare ee Baanka Adduunka ayaa ogolaaday in Itoobiya la siiyo 350 milyan oo dollar oo 280 milyan oo ka mid ah ay yihiin amaah waqti dheer lagu bixinayo oo ay saaran tahay dulsaar yar iyo 70ka milyan ee kale oo deeq ah.

Adduunkan lacageed ee isugu jira deeqda iyo amaahda ayaa loogu talagalay in nolosha bulshada xoolo-dhaqatada ah ee ku nool gudaha wadanka Itoobiya kor loogu qaado sida uu bogiisa facebook ga soo dhigay safiirka Itoobiya u fadhiga wadanka Maraykanka danjire Fistum Arega.
Safiirka ayaa intaasi ku daray in baanka adduunku sidoo kale 200 oo malyan oo doolar oo damiin ah u ansixiyay Itoobiya. Damaanadan ayaa ilaa 1.5 bilyan doolar oo maal-galin aan dawli ahayn ah (private investment) in lagu siiyo ayaa la rajaynayaa.
Arintan ayaa ka caawinaysa inaan maalqabeenada raba inay itoobiya maal gashadaan lagu xidhin damiin dal/wadan damiin ka noqda oo ay si toos ah u maal gashan karaan gudaha wadanka itoobiya taasoo wax badan ka taridoonta dhaqaalaha dalka gaar ahaan dhanka shaqa abuurka iyo helitaanka sarifka lacagaha qalaad ee dalku aadka ugu baahanyahay si uu dibada wax ugaga soo iibsado.
Iskusoo wada duuboo, itoobaya ayaa intuu isbadalku ka dhacay ee raysulwasaare Dr. Abiy Ahmed talada dalka lawareegay kadibna dalka ka dhaqan galiyay siyaasad fur-furan ayay deeq bixiyayaashu si isdaba joog ah ugu deeqaan uguna amaahiyaan malaayiin lacaga oo lagu fulinayo mashaariic horumarineed wallow deegaanka soomaalidu uuna wali wax sidaas ah ka helin deeqahaas faraha badan oo wali lagusii maal galiyo loona qaybiyo 4tii deegaan ee EPRDF ta.