Baabuur Ciidan Oo Dul Maray Bajaaj Rakaab Sidday Iyo Khasaaraha Dhimashada & Dhaawaca Ee Ka Dhashay

Qabridahar (JigjigaOnline) – Allah haw naxariistee, afar qof ayaa dhimatay saddex kalena way ku dhaawacmeen magaalada Qabridahar, kaddib markii gaadhi gaashaaman oo ay ciidamadu leeyihiin uu jiidhay bajaaj ay saarnaayeen dad rakaab ah.

Shilkan naxdinta badan, ayaa la sheegay in isla goobtii ay ku naf waayeen afar dhallinyaro ah oo saarnaa bajaajta, saddex kalena ay dhaawac noqdeen.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay ciidamada nabadgelyada waddooyinka iyo milateriga midna, hase yeeshee, wararka ka imanaya Qabridahabare ayaa waxay sheegayaan afarta qof ay markiib anaftu ka baxday, dhaawacuna yihiin kuwo jilicsan.

Baabuurka shilka sababay ee Bajaajta jiidhay ayaa la sheegay in noociisu yahay Uuraal oo ay saarnaayeen ciidan.