Axmed Shide Oo Jigjiga U Yimid Burburinta XDS, Qaabkii Loo Abaabulay Shirkii Maanta, Sababtii Loo Soo Qaddimay Ballantii AXADDA Iyo Shakiga Cusub Ee Abuurmay

Jigjiga (JigjigaOnline) – Xisbiga Dimuquraadiga Soomaalida ayaa maanta si buuxda u go’aamiyey in lagu biiro xisbiga uu abaabulay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed kaas oo meesha ka saaray xisbiyadii ka talinayey killillada ee hore u hoos tegi jiray EPRDF ama xubnaha buuxa ka ahaa.

Laba shir oo ay hore u yeesheen Guddida Fulinta iyo Xubnaha Golaha Dhexe ee XDS ayaa waxa lagu soo ansixiyey in xisbigu ku biiro Xisbiga Barwaaqada ee Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed, laakiin waxay u baahdeen in si rasmi ah looga xalaaleeyo shirweyne aan caadi ahayn oo xisbigu yeesho, kaas oo loo ballansanaa inuu qabsoomo maalinta Axadda oo berri ah, hase yeeshee si lama filaan ah ayaa waxa maanta loogu war helay in shirkii Berri loo ballansanaa uu gellinka dambe ee maanta qabsoomayo.

Shirkan oo uu guddoominayey Guddoomiyaha XDS, ahna wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide Maxamed oo maanta gellinkii hore soo gaadhay Magaalada Jigjiga, ayaan loo ogolaanin inay warbaahinta madaxa bannaan ka qayb-gasho si la mid ah labadii shir ee ka horreeyey ee xisbigu kusoo go’aamiyey mashruucan ka yimid Addis Ababa.

Hadal uu shirka ka jeediyey ayuu Axmed Shide ugu sharraxay xubnaha xisbiga ee sababaha ay tahay inay uga mid noqdaan Xisbiga cusub, laakiin Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida ayaa isaguna garabkiisa fadhiyey, iyadoo uu hore usoo guddoomiyey labadii shir ee hore ee ay kasoo baxeen labada go’aan ee is-ayidayey ee ku biirista lagaga soo dhawaaqay.

Go’aanka kasoo baxay shirweynaha aan caadiga ahayn ee aan lagu qabanin xarunta xisbiga iyo hotelada magaalada midna ee lala tegay Xarunta Madaxtooyada si loo sugo ammaanka, culaysna loogu saaro xubnaha diidmada muujin karayey oo laga ilaalinayey in dareenkoodu aanu dibedda usoo bixin, ayaa waxa uu si buuxda usoo gunaanaday xisbiga SDP oo burburintiisu muddodaba socotay, waxaana hadda wixii ka dambeeya naxash la saaray, magaciisana aan dib dambe loo maqli doonin xisbiga Dimuquraadiga Soomaalida (XDS) oo si rasmi ah loo baabi’iyey.

Guddoomiyihii xisbiga xabaasha la dhigay ee Axmed Shide oo noqonaya xubnaha xisbiga Barwaaqada ee PP ugu meteli doona Dawladda Deegaanka, ayaa waxa uu maanta u yimid magaalada Jigjiga in uu goob joog u ahaado halka lagu xabaalayo SDS, isaguna noqno ninka iilka dhigaya ee qudbadda ugu dambaysa usii jeedinaya xubnaha xisbigooda la kala diray.

Waxa hadda bilaabmi doona in xisbiga Abiy Ahmed ee Barwaaqadu uu Dawladda Deegaanka Soomaaalida kasoo xusho xubnaha uga mid noqonaya guddida fulinta, iyadoo ay haddaba jiraan magacyo ay ka mid yihiin Mustafe Muxumed Cumar, Axmed Shide iyo Maxamed Shaalle oo la saadaalinayo in ay noqon doonaan xubnaha la magacaabayo.

Warar aan la hubin ayaa waxay shaacinayaan tirada xubnaha meteli doona DDS iyo magacyadooda laakiin illaa hadda wararka hor-dhaca ah waxay ku kooban yihiin saddexda sare ee marka horeba hoggaanka u hayey xisbiga la burburiyey.

Si kastaba ha ahaatee, maalmaha soo socda ayey bannaanka iman doonaan magacyada xubnaha xisbiga Barwaaqada u geli doona Dawladda Deegaanka Soomaalida, waxaana hubaal ah in hoggaaminta sare ay ka mid noqon doonaan.