August 4 Waxay Ahayd Maalin Madow

4 August 2018 waxay ahayd maalin madaw oo dad rayid ah iyo hantidooda la dhibaateeyay.

Sido kale waa maalin goobo diimeed la gubay .

Waa maalin wadaado diimeed ay naftooda waayeen iyaga oo u geeriyooday dhibaatada soo gaadhay.

dhamaan dulmigaas dhacay diinteenu way ka garaabaysaa in ay yihiin falal wax shinimo ah oo aan cudurdaar lahayn.

dhibaatooyinka taariikhiga ah ee aan tirsanayno iyo dhacdadii 4 August ma’aha kuwo la isku dhararin karo.

4 August waa maalin lagu gafay jiritaankeena umadnimo oo turjumaad kale inaga bixinaysay ..

in ay xasuustaan kuwa la dhibaateeyay iyaga oo aan u arkayn ama faafinayn in ay tahay colaad uga timid Qawmiyada Soomaaliyeed dhibaato kuma jirto..

Way jiri karaan ama jiraan xagjir labada dhinac ah oo si kale u dhigaya turjumaada 4 August.

Dad bay u tahay guul iyo maalin ay cadaw waxyeelo u gaysteen.

Dadna waxay u tahay maalin si xaqdaro ah loo khalkhaliyay amniga loona gaystay ficilo fool xun oo aan ka turjumayn dhaqanka suuban iyo diinteena.

Waxan maqlayaa duco ayaa loo samaynayaa wadaadadii kaga dhintay dhibaatadaas dadka aan muslimka ahayn.

Malaha in lala xuso waa muhiim iyada oo loo arkayo dhacdo fool xun oo aan diin iyo dhaqan midna inaga turjumayn.

Waxa Qoray: Abshir Axmed