Atooraha caanka ah ee Hollywood-ka Idris Elba Iyo Xaaskiisa Soomaaliyadda Ah Oo Booqanaya Dalka Tanzania

Atooraha caanka ah ee Hollywood-ka Idris Elba ayaa ku sugan dalka Tanzania isagoo ay weheliso xaaskiisa Soomaalida ah Sabrina Dhawre, waxayna booqdeen beerta xayawaanka ee Serengeti National Park, halkaas oo ay dalxiisayaashu aadaan.

Sabrina Dhawre ayaa Instagram soo dhigtay sawirradeeda waxayna u mahadcelisay dadkii kala tustusayay dhulka.

Lamaanahan ayaa aroos qurux badan ku dhigtay Morocco bishii Abriil.

Xafladda arooska marka ay dhaceysay, Sabrina Dhawre waxay soo xiratay dhar cad oo qoorta ka go’an oo ay caruusadaha xirtaan, Seygeedana wuxuu ku soo labbistay suud madoow shaar cad iyo taay madow isaga oo aad u dhoolla caddeynaya ayuuna ka qayb galay xafladdiisa arooska.

Xafladdooda arooska ayaa socotay saddex maalmood waxaa ka soo qayb galay saaxibbada iyo ehelada caruuska iyo caruusadda, xafladda arooska habeenka ka horreyeyna waxaa dhacday casha sharaf lagu qabtay Amanjena, arrintaas oo qayb ka ahayd xafladda arooskooda.