Aqoonyahan Sadiiq Xaaji Nuur Oo Iftiimiyey Farqiga U Dhexeeya Hoggaamiye & Maamule, Kana Hadlay Dhibaatooyinka DDS Ka Jira

Goteborg (JO) – Aqoonyahan Sidiiq Xaaji Nuur ayaa ka hadlay arrimaha deegaanka Soomaalida, sida musuqa, eexda, qaraabo kiilka, ku-tumashada sharciga iyo inantii yarayd ee godka ku dhacday ee xukuumadda deegaanku u gurman weyday.

Qoraal uu soo saaray Aqoonyahan Sidiiq Xaaji Nuur oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay Jigjiga Online, ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

Marka ummadi dunto ama dhumiso wax kasta oo ibnu-aadamku qadariyo, maamuuso, ilaashado ama xurmeeyo sida diinta, dhaqanka toosan, qiyamka aadamaha ka dhexeeya, wadaniyada iyo walaalnimada intaba, markaas waxa ay la mid noqoneysaa duur-joogta, xeerka iyo qaanuunka kala hagaana wuxuu la mid noqonayaa xeer hoosaaadka aan qorey ee u yaala duur joogtaas, midkaas oo ku dhisan sida loo kala muruq weyn yahay ama miciyo dheer yahay, sababtana in ay habar dugaag meel wada fadhiisan weydo, isku kalsoonaan weydo iyo in cabsi iyo argagax dhexyaalo mar walba.

Waxaa murugo iyo tiiraanyo leh in bulshadeenu dhumiso tiirar iyo sooyaal dhaqameed muhiim u ah jiritaankeeda iyo wada jirkeeda danbe, garan weydana cadawgeeda dhabta ah oo ay iyadu isu muuqato, is indho buuxin weydo, is caydo ilaa uu xumuhu gaadho gabdhaha iyo garaadada oo ah biri mageydo iyo barta ugu danbeysa ee akhlaaq xumo gaadho.

Hadaba waxaan rabaa in aan idin la wadaago dhowr su’aalood oo xoqay laabteyda bilihii ugu danbeyey. Su’aalahan qeyb ka mid ahi waxay u baahan yihiin xogogaalnimo iyo xal raadin, kuwo kalana waa tuhun baahsan, qaarna waxay si toosa iyo si dadbanba uga muuqdaan ficilada iyo radi-ficilada siyaasiyiinteena muxaafid iyo mucaaradba.

Su’aalahan oo ah kuwo ay isweydiinaya dad badan oo dalkan u dhashay, jecelna horumarka iyo hanaqaadka dalkooda iyo dadkooda ayaa waxay yihiin sidan:

1- Qaska siyaasadeed ee ka iloosan dowlad degaanka soomaaliyeed ma hardan u dhexeeya qabaa’il soomaaliyeed oo la kala safan siyaasiyiin qabiileysan baa (kuwaas oo qaarkood shaadh dowladeed huwan yahay qaarna shaadh mucaarad mid walibana isticmaalayo qabiilkiisa iyo xulufadiisa) mise waa mid ku dhisan ma’baadi iyo kala duwanaanta aragtiyo siyaasadeed oo ay iyagu kala xanbaarsan yihiin balse aysan jirin cid kale oo daabka haysa, kana madax banaan qabiil iyo qoysnimo?

2- Ma loolan siyaasadeed oo u dhexeeya Amxaaro iyo Oromo ayaa xasilooni la’aan kawada deegaankeena, kuwaas oo mid waliba rabo in uu hantiyo hantida iyo hogaanka siyaasadeed ee ummada soomaaliyeed isagoo isticmaalahaya siyaasiyiinteena qeyb ka mid ah kulana dhaqmaya siyaasadii ahayd cago-jugleyn iyo calaf siin ”carrot and stick” si uu isagu waa Amxaarka ama oromayga e u gaadho hadafkiisa siyaasadeed ugana taajiro shacabkeena hantidiisa sidii Tigreegii?

3- Ma qas iyo jahwareer guud oo dadkeena iyo gumeystaheenaba haysta ayaa jira, oo waa isma dhaanto iyo dhasheedii iyo ila-meereyso ee inaga ayaa ah majaahidiin aan waxba ogeyn oo inta inoo muuqata uun beynu aragnaa?

4- Ma maamul xumo iyo musuqmaasuq baahsan ayaa jira kaas oo lagu qarinayo khalal iyo qas siyaasadeed oo qabiileysan umaamadkii si ummada loo jahwareeriyo oo jaho kale oon waxba jirin loogu mashquuliyo, agoow waa isu muuqato e?

5- Ma hadhaagii Tigreega iyo heegadii ma liibaanihii Ina Iley ayaa mar labaad soo rogaal celiyey oo dib isu habeyn, afganbi iyo heego cusub abaabulkeed wada si ay mar labaad u hantiyaan hogaanka dalka taas oo ku daaban dano siyaasadeed oo dad kale leeyahay iyo damac reereed oon marnaba la mahadin doonin?

6- Ma tolkaa ciiltir iyo aargoosi hor leh oo Madaxweyne Mustafe abaabulahayo ayaa jira oo daba socda ficiladii sheydaanka, maxaase la taaban karaa oo tusaale u noqon kara arintaas oo aad loo wadwado sidey dooniba ha u dhignaatee?

7- Ma waxaynaan kala garaneynin guud ahaan dowladnimada iyo reernimada, siyaasada iyo dhaqan qabiileedka, madaxweynaha iyo kaabe-qabiilka mise waxaynaa kala saari karin xuquuqda siyaasiga ah ee ruuxu leeyahay iyo xadgudubka ka baxsan sharciga ee sharciyeysan?

8- In Ugaasyada, suldaanada, garaadada iyo gabdhaha ama hooyooyinka sharafta leh lacaayo wey ina soo martey, weynuna ka dhiidhiney haba yaraatee, waxayna wakhtigeedii dadka qaar abaabuleen kacaan akhlaaqeed oo ku wajahnaa ma liibaanihii Ina Iley iyo maamulkiisii oo xumaanta iyo xasarada ay mataano ahaayeen.

Hadaba eega ma la odhan karaa Madaxweyne Mustafe iyo xukuumadiisu waxay si toosa ah uga masuul yihiin akhlaaq xumaantan iyo xasilooni darada dib uga hana qaaday guud ahaan degaankeena maadaama oo isagu yahay ninka fadhiya fiiqa ugu sareeya ee dalka, qolyo isaga ku dhowna ay qayb Ka yihiin dadka lagu farfiiqayo ama loo heysto aflagaadooyinka iyo akhlaaq xumadaas?

9- Waa maxay sumadaha iyo miisaanka aynu saareyno dhagar qabayaashii heego iyo caadoqaadayaashii Ina Iley ee lahaa ciroole iyo cunugba si aynu uga soo soocno bulsho weynta inteeda kale, goormeynuse ka soo bilaabiwnaa baadigoobkooda, ma waxaan ka soo bilownaa habaar-qabayaashii macalimiinta u ahaa xiligii uu hogaanka nabad galyada ahaa ee maanta fadhiya guriga raartiisa ama xeedhada salkeeda mise sadexdii bilood ee u danbeysay ee uu ahaa neef gawracani geed kama leexdo ee heego iyo habaar qabayaal soo ifbaxeen?

10- Maxaa la gudboon dhamaan wax garadka iyo qurbo joogta ka madaxa banaan loolankan wasakheysan ee dalkeenii ka socda mise sideenii beynu sidii ido jir ku hayo madaxa laadlaadinaa oo kolba kii inoo yimaada nidhaahnaa adaa saxan si aynu furin ama fursad u helo taas oo ah kankaro iyo kud ummadeed aan kabasho lahayn?

Su’aalahan iyo 5 kale oo jeclahay in aan mar kale idin la wadaago oo toos u weydiin doono madaxweynaha iyo xukuumadiisa hadii rabi idmo waxaa igu dhaliyey rajo la’aanta baahsan iyo hardanka siyaasadeed ee qabiileysan ee waliba akhlaaq xumadu ku dheehan tahay ee ka soo ifbaxahayey bilihii ugu danbeysay dowlad deegaanka soomaaliyeed gaar ahaan hogaankiisa siyaasadeed iyo kaabeyaashooda jibeysan mucaarad iyo muxaafidba.

Be the first to comment