Amiirkii ‘xaragada badnaa’ ee imaaratka oo geeriyooday

Wiil u dhalay mid kamid ah amiirada maamulo magaalo weyn oo ka tirsan Imaaraatka Carabta ayaa ku geeriyooday magaalada London, sida ay shaaca ka qaadeen mas’uuiyiinta dalkaas.

Sheikh khaalid Bin Sultaan Al Qaasimi ayaa geeriyooday Isniintii, booliska London waxay sheegeen in aanan la ogeyn sababta uu u dhintay.

Sheikh khaalid Bin Sultaan Al Qaasimi oo ah 39 jir ahaa ayaa waxaa ay howshiisu aheyd naqshadeynta dharka, qaar kamid ah dharkii uu naqshadeeyay waxaa lagu soo bandhigay London toddobaadkan.

Meydkiisa ayaa maanta Salaatul Janaza lagu tukaday misaajid ku yaalla dalka Imaaraatka Carabta, waxaana dalkaas looga dhawaaqay saddex maalmood oo loogu baroor diiqayo geerida ku timid wiilka amiirka dalkaas.

Aabaha dhalay wiilkan Sheikh khaalid Bin Sultaan Al Qaasimi ayaa ka talinayay magaalada Sharjah tan iyo sannadkii 1972-dii, waxaa uu sheegay in wiilkiisa uu ku jiray gacanta Ilaahey.

Madaxweynaha Imaaraatka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ayaa tacsi u diray qoyska Sheikh Sultaan ee geerida ku timid.

Booliska waxay sheegeen inay maqleen geerida naxdinta leh ee ku timid Sheikh khaalid Bin Sultaan Al Qaasimi xilli uu ku sugnaa deegaanka Knightsbridge oo ka tirsan London.

Booliska waxay sheegeen in baaritaanno ay ku sameeyeen meydkiisa balse lagu dhuur sugayo natiijada soo bixi doonto.