Akhriso: Warbaahinta Carabta Oo Soo Bandhigay Suurtogalnimada Dagaal Toos Ah Oo Dhex Mara Turkiga Iyo Masar

Tripoli (JO) – Wargeysyada dalalka Carabta ayaa ka hadlaya wararka ka soo kordhaya qalalaasaha Libya ka dib markii hadal lama filaan ah uu ka soo yeeray madaxweynaha Masar Cabdifitax Al-Sisi.

Wuxuu Sisi sheegay in ciidamada dalkiisa “ay awood u leeyihiin in ay si degdeg ah ay wax uga badalaan dhibaatada dagaal ee Libya ayna ku guuleysan karaan.”

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu, ayaa dhankiisa sheegay in “Ciidamada Qaranka Libya” ee uu hoggaaminayay Janaraal Khilafa Xaftay, looga baahan yahay in ay ka baxaan magaalada Sirte iyo saldhigga ciidamada cirka ee Al-Jafra.

Dowladda Turkiga ayaa dooneyso in tallaabadaas la qaado ka hor inta aan la gaarin heshiiska xabad joojinta ah ee ka dhexeeya Khalifa Xaftay iyo Dowladda Beesha caalamku aqoonsan tahay.

Dowladda Masar ayaa taageereysa Khilafa Xaftay iyo xoogaggiisa loo garanayo “Ciidamada Qaranka Libya”, halka Turkiga uu taageerayo Dowladda Caalamka laga aqoonsan yahay.

Sharciyadda faragelinta Libya

Fawaz al-Hamuuri oo ka tirsan wargeyska laga leeyahay Jordan ee Al-Rai, wuxuu aaminsan yahay in shacabka Libya “aysan ka badbaadin faragelinta aan sharciga ahayn ee lagu hayo dhulkooda, dhaqaalahooda, amnigooda, iyo rabitaankooda ku saabsan in xasillooni iyo nabad ay helaan, lagana gudbo dhibaatada iyo colaadda gudaha dalkooda ay ka wadaan ururka la baxay Khilaafada Islaamka iyo maleeshiyaadka kale ee dalkooda la geeyay”.

Maamulka dalkaas waxay sheegayaan “in furaha nabadda ee Libya aysan ahayn Saliidda iyo Shidaalka iyo faragelinta arrimaha gudaha ee dalkaas lagu hayo iyo xaaladda ay wajahayaan shacabka. Sharciyadda dowladnimo ee Libya – baarlamaanka iyo maamulka guud – oo eegaya danaha dalka, waa furaha dhabta ah ee maamulidda waddanka iyo ilaalinta badqabka shacabka”.

“In faragelin dibadda ah lagu sameeyo Libya ma ahan arrin sharci ah, sababtoo ah waxay noqon kartaa dagaal cusub oo sii xumeeya dhibaatada hadda taagan, burburna u geysta dalka. Waxay taas fursad u noqoneysaa in baabi’in dibadda ka timid iyo boob loogeysto shacabka Libya oo haddaba uu qasaare soo gaaray, kana barakacay guryahooda,” ayuu yiri Al-Hamuuri.

Wargeyska Al-Quds Al-Carabi wuxuu dhankiisa qoray: “Ka dib markii Aqila Saleh, madaxa baarlamaanka Tobruk, uu soo saaray qoraal uu ciidamada Masar kaga dalbaday in faragelin ay ku soo sameeyaan dalkiisa; waxay warbaahinta Masar sheegeen in wafdi ka socday Bengazi ay gaareen Qaahira”.

“Wafdigaas oo ka koobnaa Golaha Culimada iyo qabaa’illada qaar ee Libya ayaa la kulmay madaxweynaha Masar Cabdifitax Al-Sisi.”

Wargeyskaas ayaa lagu xusay in “haddii qoraalka kore ujeedadiisu yahay in Masar kaalin sharci ah laga siiyo Libya, haddaba golahaas waxaa ka hartay 35 xubnood oo keli ah, go’aankiisana ma noqonayo mid sharci ah oo loo dhan yahay”.

Waxaa jiray xiriir wanaagsan oo ka dhexeeya qabaa’illada carabta ah ee deggan labada dhinac ee xuduudda ee Libya iyo Masar. Balse dad badan waxay shaki gelinayaan kaalinta Masar ee qabaa’illada kula heshiinayso “si ciidankeeda u galaan gudaha Libya”.

“Inkastoo aysan jirin sharciyad uu haysto Aqalka Wakiillada ee Tobruk, haddana waxay u taagan yihiin ‘mataladda casriga ah ee Libya’, haddana madaxdooda waxay kuraasta u haystaan keliya in si dimuquraadi ah lagu doortay, balse ma ogolaan karaan in faragelin shishiiye ay sharci ka dhigaan”, sida uu qoray wargeyska Al-Qudus Al-Carabi.

“Duullaanka dibadda”

Akram Al-Qassas oo ka tirsan wargeyska, Al-Yowm Al-Sabiya ee Masar ka soo baxa, ayaa sheegay in “Masar ay horey u xaqiijisay in aysan ogolayn in faragelin iyo duullaan shishiiye lagu qaado Libya iyo maamulkeeda, dhaqaaleheeda iyo shacabka Libya intuba, balse danaha maleeshiyaadkii ay taageereysay oo meesha ka baxaya iyo faragelinta tooska ah ee Turkiga ayaa wax ka badalaya qariidadda awoodda iyo dhaqaalaha kuwaas oo sababay sii kala fogaansho”.

Al-Qassas wuxuu intaa ku daray: “Masar waxay filaysay in ay sii socon doonaan wixii dhacayay sannadihii la soo dhaafay, haddana inkastoo aysan rabin faragelin iyo daandaansi, waxaa weli ka go’an difaaca daneheeda amniga qaranka, wayna fahamsan tahay muhiimadda ay arrintaas u leedahay Libya.”

“Haddii kooxaha taageersan Turkiga ay sii wadaan duullaanka ayna ka gudbaan qadka cas – inkastoo aan la fileynin taas – Masar waxay ku qasbanaaneysaa in ay difaacdo danaha la xiriira amnigeeda qaranka”.

Xaaladda Libya waxay hadda gacanta u gashay Turkiga iyo Masar oo loolamaya – labada dal waxay kala noqdeen kuwa “go’aannada u kala gaara Bariga iyo Galbeedka,” ayuu yiri Cubayd Al-Raqiq oo ah saxafi u dhashay Libya.

Wuxuu intaa ku daray: “Waxaan filayaa inuusan jiri doonin isku dhac militari oo laba dhinac – Turkiga iyo Masar – ku dhexmara Sirte iyo Al-Jafra, balse warbaahinta ayaa sii buunbiinineysa iyagoo doonaya in ay eegaan aragtida shacabka Libya iyo haddii ay aqbali karaan waxa ay u qorsheeyeen dad kale oo ajaaniib ah oo faragelinaya arrimaha Libya”.

Wuxuu tilmaamay inuu aaminsan yahay in “Ruushka, Mareykanka iyo dalal kale ay isku raaceen hadda in Sirte ay tahay magaalo dhexdhexaad ah oo ciidamada labada dhinac aysan gacanta ku haynin iyo in Xaftar uu aqbalayo inuu ka fogaado magaaladaas isagoo ku badalanaya in la ogolaado in ciidankiisa ay ku sii sugnaadaan saldhigga ciidamada cirka ee Al-Jafra.”

Sidoo kale Xaftar wuxuu doonayaa in dib loo billaabo dhoofinta Shidaalka iyo in goobaha laga soo saaro ay ilaaliyaan askartiisa, sida uu qabo saxafigan u dhashay Libya.

Be the first to comment