Akhriso: Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaartoyga Ee Maanta Oo Arbaca Ah Ay Qoreen Wargeysada Yurub

Muddo kooban  ayaa ka hadhay waqtiga uu furmayo suuqa iibka ciyaartoyga ee xagaaga oo ku beegan horraanta bisha June, laakiin fayraska Korona ayaa laga yaabaa in sannadkan uu isbeddel ku keeno.

Inkasta oo uu hadda xidhan yahay suuqu oo aanu wali furmin, waxa kooxaha waaweyn ee Yurub ay kala jiidanayaan laacibiinta heshiisyadoodu dhamaanayaan ee sida bilaashka ah ku baxaya iyo kuwo kale oo ay u hurayaan lacago badan si ay iskugu xoojiyaan xili ciyaareedka dambe.

Warbaahinta dunida gaar ahaan wargeysyada ayaa waxay si maalin leh usoo bandhigaan dhaqdhaqaaqyada ugu dambeeyey ee kooxaha, ciyaartoyda ay doonayaan iyo waxyaabaha laga yaabo inay dhacaan.

Sidii aad nooga barateen, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyey ee suuqa iibka ciyaartoyga ee ay wargeysyadu qoreen maanta oo Arbaca ah:

Newcastle Untied ayaa diyaar u ah inay £53 milyan oo Gini u bandhigto Real Madrid oo ay ka doonayso weeraryahanka reer Wales ee Gareth Bale oo ah 30 jir doonaya inuu dib ugu soo laabto Premier Leauge. (Daily Mail)

Tottenham uma ogolaan doonto laacibka ugu qaalisan taariikhdeeda ee Tanguy Ndomble oo ah 23 jir ah £55 milyan kusoo iibsatay, inuu ka tago oo uu ku biiro Barcelona ama Liverpool. (Independent)

Joan Laporta oo u tartamaya Madaxweynaha Barcelona wuxuu rabaa in xagaaga dambe uu soo celiyo Pep Guardiola haddii uu Madaxweynenimada kooxda ku guuleysto. (ESPN)

Dejan Lovren ayaa u muuqda inuu albaabka Liveprool kasiii baxayo, waxaana u gacan haadinaysa AS Roma difaacan reer Croatia ee 30 jirka ah. (Gazetta dello Sport)

Liverpool waxay ku biirtay tartanka ay kooxaha waaweyn ee Yurub ugu jiraan laacibka khadka dhexe uga ciyaara Red Bull Salzburg ee Dominik Szoboszlai oo ah 19 jir u dhashay Hungry. (Tuttosport)

Manchester United ayaa rabta inay ku guuleysato saxeexa saddexda ciyaartoy ee Ingiriiska ah ee Jadon Sancho oo ah 20 jir u ciyaara Borussia Dortmund, Jack Grealish oo ah kabtanka 24 jirka ah ee Aston Villa iyo 16 jirka Birmingham ee khadka dhexe ee Jude Bellingham (Daily Star)

30 jirka reer Nigeria ee Odion Ighalo waxa laga yaabaa inuu mar horeba Manchester United u ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyey, kaddib markii ay kooxdiisa reer China ee Shanghai Shenhua ay ka gaws adaygtay inay kordhiso amaahda uu Red Devils kula joogo. (Standard)

Tatababaraha Tottenham ee Jose Mourinho waxa uu rabaa inuu lasoo saxeexdo laba difaac oo horyaalka Talyaaniga ee Serie A jooga. Laacibka reer Brazil ee Alex Sandro oo ah 29 jir Juventus jooga iyo Timothy Castagne oo ah 24 u ciyaara Atalanta ayuu rabaa inuu lasoo saxeexdo. (Tuttmercato)

Barcelona ayaa xiisaynaysa difaaca reer Argentine ee Tottenham ee Juan Foyth oo ay da’diisu tahay 22 jir. (Mirror)

Chelsea waxay ku kalsoon tahay inay lasoo saxeexan doonto 19 jirka Manchester United ee Angel Gomes oo khadka dhexe ka ciyaara. (Mirror)