AKHRISO: Qisada Xanuunka Badan Ee Mid Ka Mid Ah Hooyooyinkii Ciqaabta Lagu Marsiiyey Jeel Ogaadeen

Jigjiga (Hawraarsannews) – Sannado badan oo uu furnaa Jeel Ogaadeen, waxa dhibaato badan loogu geystay dad aan wax dembi ah galabsanin oo Soomaali ah. Waxa gudihiisa lagu dilay kunnaan qof oo aan tiradooda rasmiga ah la haynin, kuwaas oo meydadkooda lagu aasay xabaalo-wadareedyo, halka in kale oo badanna aan la garanaynin meel ay raq iyo ruux ba ku dambeeyeen.

Dhibaatadu kuma koobnayn dilis oo kaliya, waxaase intii ka badbaaday la dhibaatoonayaan nabarradii iyo dhaawacyadii loogu geystay gudaha xabsiga, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay yihiin naafo laga gooyey xubno ka mid ah jidhkooda iyo kuwo kale oo biraha curyaamiinta ku boodaya kaddib markii lagaha laga jajabiyey.

Intii uu Jeelkaasi jiray, waxa gudihiisa lagu kufsaday kumannaan haween ah, waxaana ubadkii caloosha ay ku rideen laga soo turay boqollaal hooyooyin ah oo iyaguna naf-baxay, halka waalid da’ ah oo aan socon karaynin si axmaqnimo leh gaajo darteed loogu dhex-dilay halkaas.

Tacaddiyada halkaas ka dhacay wax lasoo koobi karayo maaha, waxaana maalin ba maalinta ka dambaysa soo baxaya qisooyin xanuun badan oo ku ilowsiinaya intii aad hore ogaalka ugu ahayd amaba aad maqashay.

Inta aan maxaabiista lasoo gaadhsiinin Jeel Ogaadeen, waxa jiray Xarumo kale oo ciqaabeed halka uu Xabsiganna ahaa Cadaabta marka ugu dambaysa loogu talo-galay in la muquursiiyo dhibbaneyaasha.

Hooyo Bishaaro Wacdi Shaqlane, waxay ka mid ahayd hooyooyinkii muddada dheer ciqaabta iyo cadaabta aan naxariista lahayn lagu marsiiyey magaaladii laga soo xidhay ee Qabri-daharre, Xerada Garab-case illaa ugu dambayn loo dhaadhiciyey Jeel Ogaadeen.

Cabdi Iley ayaa ahaa qofkii sida tooska ah u tegay guriga ay hooyo Bishaaro ka degganayd Qabri-daharre, waxaana uu gacantiisa qayb kaga qaatay waxyeellaynteeda, iyadoo uu marar badanna goob-joog u ahaa tacaddiyadii arxan-darrada ahaa ee loo geysanayey oo uu amarradeeda si toos ah u bixinayey.

“Xadhigaygu mar iyo laba toona ma ahayn, xadhig badan oo isdaba joog-joogay buu ahaa. Saddexdii Xabsi ee ugu waaweynaa, kii koowaad 2001-dii baan galay muddo afar sannadood oo waxyar dhimanna waan xidhhnaa. Xilligaa jidh-dil aad u fara badan iyo rafaad aad u badan ayaa isoo gaadhay, waxaanay ahayd Qabri-daharre. Waxaan ku xidhnaa xero milateri waxaana gacanta nagu hayey ciidanka Federaalka iyo ciidan la dhihi jiray Fadanooga oo na tumi jiray, marna na ciqaabi jiray.

Aniga oo sidii xeradii milateriga ugu xidhan ayaa Jigjiga la iisoo gudbiyey, waxaana laygu xidhay Jeelka Asluubta oo magaalada dhexdeeda oo muddo laba sannadood gaadhaysa aan ku dhamaystay.” Ayey ku bilowday Hooyo Bishaaro oo wali ay dusheeda ka muuqdaan nabarradii iyo dhibaatadii la marsiiyey.

Hooyo Bishaaro mar labaad ayaa la xidhay, waxaana ay markan u ahayd ciqaab iyo cadaab aan kala joogsi lahayn, taas oo xattaa gaadhsiisnayd in iyadoo dhar la’aan ah dadka la dhex socodsiiyo, isla markaana sida geela dabar aan nefis lahayn loo sameeyo, waxaanay wali xasuusan tahay magacyada raggii sida arxanka daran habeen iyo maalinba u ciqaabi jiray.

“Xabsigaygii kale ee xigay waxay ahayd 2006-dii. Waxa guriga iigu yimid xilli habeen ah guriga iigu soo galay nin la dhiji jiray Canjeex iyo nin kale oo la yidhaahdo Asad Axmed Cawar, daaraddana waxa taagnaa ciidan faro badan oo Federaal iyo booliskii caadiga ahaa ee hore iskugu jiray. Ciidankaa waxa la socday oo dhexda u taagnaa Cabdi Iley, aniga iyo gabadh walaashay ah oo guriga ila joogtayba way na kexeeyeen, waxayna na geeyeen Haabaana. Waxay ahayd waqti ay Ramadaan 27 tahay, waagii wuu noo baryey, maalintiina waanu iska nasanaynay, habeenkii dambe gabbalku markuu dhacay ee sagaalkii illaa tobankii habeennimo ay tahay ayaa aniga kaliday la ila baxay, isla Haabaana gudaheeda ayaa si ba’an la iigu dilay, halkaa Cabdi Iley wuu taagnaa isagaana amarka bixinayey markii dambena ninka yidhi ragga wajiyadooda way garanaysaaye laydhka demiya isaguu ahaa. Halkaa raggii igu tumayey ee Soomaalida ahaa waxaan ka xasuusanahay Canjeex, Cabdi Libaax, Maxamed Saamiri iyo Haadi, nimanka kalena niman federaalka ah bay ahaayeen.”

Bishaaro Wacdi Shaqlane waxa amarrada lagu ciqaabayey si toos ah u bixinayey raggii ugu sarreeyey hoggaaminta deegaanka, waxaana iyadoo ka hadlaysa ay tidhi: “Dilalkii ugu xumaa ee igu dhacay xilligaas, gacanta ayaan ka jabay, aniga oo aan waxba ku noolayn oo koomo ku jira ayey sida kiishka iigu tureen Qabaalka (Gaadhi) gudihiisii, waxay i geeyeen xeerada Aayar Haylka la yidhaahdo, meel ayey igu tureen iyagiina way iga soo noqdeen. Anigoo meel sidaa u aalla ayaa nin Xerada haystay oo kornayl weeye ay lahaayeen ayaa ninkii waardiga hayey weydiiyey oo yidhi qofkan meesha yaallaa maxay ahayd? Waxa soo gudbiyey buu ku yidhi ‘qolada maamulka Killalka ayaa soo gudbiyey oo meesha kusoo tuuray’. Axmaariga yaanan toos ugu hadlin laakiin wax badan ayaan ka fahmayaa. Markaa wuxuu yidhi ‘qofka sidan u dilan gacan laguma diline ma Qabaalkay ku wadeen ayey ku celceliyeen (jiidhsiiyeen), waliba isagoon jidhkayga oo dhan wada arkin oo gacmaha iyo dhudhumada oo nabarro xun-xun igaga yaallaan oo durba madowgii iyo barbarkii isgaadhay ayuu yidhi ‘Maxay annaga qofka sidan ay usoo dileen ee sidan usoo cuneen noogu keeneen.’ Afar habeen markii aan meeshaa aallay ee aan koomo ku jiray ee aanan cunto qaadan karin ee aanan dhinac xattaa isku rogi karin, ayaa waxa ii yimid saddex nin oo booliska federaalka ah Cabdi Iley ii keenay, xilligaa ciddii joogtayna way garanaysaa. Saddexda nin oo ay la socdaan niman kale oo ciidan ah ayaa wakhti galab ah i wandaafiyey oo qabaal igu qaatay. Markaa si la i dhahayo anigu warba uma haynin oo qof waxna garanaysa hadalka iyo awooddiina aan soo celin karaynin ayaan ahaa. Garabcase ayey i geeyeen, god bay igu rideen, way igu dabooleen, subixii markii ay ahayd abbaarihii Sagaalkii ayey su’aalo i weydiiyeen, aniguna hadalkii ayaan soo celin kari waayey oo madaxa ayaan sidaa u gilgilay kaddibna garaacis horle ayey igu bilaabeen anigoo jidhkayguba habeenkii hore dhintay oo meel la iga diloba aan lahayn ayay haddana aad ii tumeen. Kaddib intay i fadhiisiyeen oo ay lugaha ii fidiyeen oo ay xadhigga dharka lagu wadho igaga duubeen ayey calaacalaha lugaha aad iiga garaaceen. Xadhiggaasina wuu i jarjaray oo hadda calaamadihiisii way igu wada yaallaan. Shan habeen markii aan halkaa la igu hayey ayuu isagii (Cabdi Iley) maalin Isniin ah, wuxuuna yidhi ‘Jeel Ogaadeen gee’. Cabdiraxmaan Laba-Go’le ayaa isoo qaaday oo Jeel Ogaadeen i keenay. Xilligaa waxa Jeelka Komishaneer ka ahaa Cabdi Bade, Taliyaha Xabsiguna Aweys buu ahaa. Subaxaa Isniinta ah ee xabsiga la igu wareejiyey dilkii, ciqaabtii iyo caydhii la igu bilaabay ayaa laba sannadood iyo dhawr bilood oo aan ku jiray halkaa la iigu geysanayey.”

Hooyo Bishaaro xasuusteeda waxa aan ka go’aynin amarro uu bixiyey Cabdillaahi Itoobiya oo ah kuwii dhaawaca ugu waaweyn gaadhsiiyey.

“Waxyaalaha la igu samaynayey markaan kala qaado; Aweyd iyo Ina Bade iimay kala sokaynin. Waxaa igaga darnaa Cabdillaahi Itoobiya oo xabsiga iman jiray, anigoo haweenka dhex fadhiya, waxaanu odhanayaa ‘Siday haweenka u dhex fadhiyi kartaa? Siday Bishaaro u noolaan kartaa? Waar soo kexeeya!’ Askar isaga la socotay iyo kuwii hore ee xabsiga sii joogay ayaa sida Ayaxa soo yaacayey oo intay anigoo dhan ila boodaan oo qol igu soo xidhi jiray. Markaasuu odhanayey: ‘Waa inay marna ciqaab ku jirto marna waa in la tumo’’ sidii ayaana la igula dhaqmi jiray.

Muddo sannad waxyar ka yar guri baan ku xidhnaa oo aan ku ciqaabnaa. Kolkii hore waxa qolka Ciqaabta igula jirtay gabadh la yidhaahdo Naadis Saxane. Laba bilood markii ay Naadis igula jirtay waa lasoo bixiyey. Haddana gabadh kale oo ka mid ahayd maxaabiis laga soo beddelay Dhagax-buur oo la yidhaahdo Aamina Raabbi ayaa igula soo biirtay qolkii Ciqaabta oo aanu ku wada dhamaysanay.”

Hooyo Bishaaro oo kasii sheekaynaysa qisooyinka xanuunka badan ee soo maray waqtiyadii ay xidhayd, waxay tidhi: “Aniga waxyaalaha ii gaarka ahayd, waxa dhacday in habeen uu Cabdi Beddel xabsiga gudihiisa yimid. Gabadh la yidhaahdo Nimco Beddel (Nimco Bogyar) ayuu kasoo bixiyey qolkii ay degganayd, si xun buu u dilay, madaxa oo uu Bakoorad kaga dhuftay ayaa dillaacay, iyadoo dhiig badan ka da’ayo ayuu laag kusoo dhuftay oo gogoshayadii kusoo dhacday. Annagu markaa waanu isku dhex yaacnay oo wada anfariirnay. Kaddib aniga ayuu yidhi Katiinad halagu xidho. Lug iyo gacan isweydaar ah ayaa Katiinaddii isweydaar la iigu xidhay. Markiiba diracii aan xidhnaa ayuu iga tuuray, wuu i qaawiyey oo sidii aan hooyaday kaga soo dhacay ayuu iga dhigay. ‘Jiida’ buu yidhi, raggii oo dhan baana i jiiday. Dadkii joogay iyo maxaabiistiiba markhaati bay ka yihiin. Masaafo dheer ayaa la i jiiday iyadoo la igu garaacayo qoriga dabadiisa iyo tuunbo. Kii tuunbada haystaa tuunbada ayuu igu garaacayey, kii bakooradda haystaa bakooradda ayuu igu garaacayey, iyagoo kabahihii buudhka xidhan ayay harraati ila dhacayeen. Dhulkii la i jiidhayey ayaa jidhkayga jeex-jeexay, markii meel bullaacad ah ayuu igu dhex tuuray. Waqti qabow badan oo Diqimti ah ayay ahayd. Horta qabowgii Illaahay uun baa joojiyey, gabadhiina bullaacadda kumuu ridine iyadoo aad u dhiig-baxaysa ayuu meel fadhiisiyey. Markii ay Salaadda subax soo dhoweyd ayaa Cabdi Bade, Aweyd iyo kooxdoodii oo isla socota iga soo bixiyeen. Kaddib labada lugood iyo labada gacmood ayuu katiinada igaga xidhay. Sidii awrtii la seetaynayey ayuu yidhi sidaa ku soco aniga oo qaawan oo aan hal maro ah qabin. Intii aan siriqsanayey Cabdi Bade, Aweys iyo askartiisii bakooradda ayey igu garaacayeen, kaddib qol ay u badnaayeen hablo reer Qabri-dahare ah ayuu yidhi ‘Guriga ay u badan yihiin hablaha reer Warfaa fura oo sida aan u galay tusa.’  Gurigii ayaa la furay oo gabdhihii ayaa la ii xareeyey anigoo dhibaato badan la ii geystay oo dhiiggu iga yaacayo nabarradii la ii geystay. Gabdhihii markii ay arkeen dhibaatada la ii geystay way ilmeeyeen, markaas ayuu isaguna yidhi ‘qof kasta oo u ilmeeyey budhcadaddii weynayd, waa in caawa ciqaabta loo kordhiyo oo loo laban-laabo’. Haddana anigoo sidii ah u seetaysan ayuu iga soo bixiyey oo uu i geeyey qolkii aan ku xidhnaa. Maadaama ay madow ahayd, hablihii ayaa caagadihii yaryaraa ee ay biyaha ku cabayeen igu rusheeyey, kaddibna diric iiga soo saaray bacdaydii.”

Be the first to comment