AKHRISO: Madaxweynaha DDS Oo Ka Hadlay Ururrada ONFL, Dulmi-diid, Doorashooyinka Iyo Arrimo Kale Oo Xaasaasi Ah

Jigjiga (JigjigaOnline) – Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee deegaanka, ururrada sitta magacyada qabiilka iyo sida loo ilaalinayo midnimada shacabka.

Madaxweyne Mustafe oo maanta waraysi siiyey telefishanka SRTV, ayaa waxa soo qaaday ururka ONLF oo toddobaadkan shirweynahoodii ku qabsaday magaalada Godey, kaas oo la sheegay in qodob ka mid ah ajandeyaashii lagu ansixiyey uu ku jiray in magaca deegaanka uu shirku ugu aqoonsaday ‘Deegaanka Ogaadeniya’.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu soo qaaday ururrada aan sidannin magac qabiil laakiin u habaysan qaab ay beelaha kale ku sheegtaan in kalidood la dulmay, isagoo hoosta ka xariiqay in la geli doono tartan doorasho oo xor iyo xalaal ah.

Mar uu xaaladda siyaasadda iyo nabadgelyada ee deegaanka ka hadlayey, waxa uu Madaxweyne Mustafe sheegay in hal-beegga iyo cabbirka xasiloonida siyaasadeed ee DDS uu yahay mid wanaagsan.

“Xaaladda siyaasadeed ee deegaankeennu waa xaalad xasiloon, wax nabadgelyo la’aan ah oo siyaasadda saamaysa kama jiraan, wax isqab-qabsi ah kama jiraan deegaanka xisbiga talada haya oo kale, markaa degenaansho siyaasadeed waxa lagu cabbiraa waa kuwaa.” Ayuu yidhi.

Madaxweyne Mustafe waxa kale oo uu ka hadlay xisbiyada siyaasadeed ee deegaanka oo uu tilmaamay inay muujinayso in la gaadhay siyaasad xaddaarad leh, laakiin waxa uu xusay in geesta kale ay jiraan waxyaabo tafaraaruq ku keenaya shacabka oo ay ka mid tahay xisbiyo amaba ururro sita magacyo qabiil, kuwaas oo keenaya in siyaasad ku sallaysan qabaa’il ay bilaabanto, waxaanu yidhi: “Dhinaca kale, waxa muuqata oo aad aragtaa furfurnaansho siyaasadeed oo soo korodhay, tartan xor ah oo isaguna soo kordhay, axsaab fara badan kala afkaar ah oo maalin dhoweyd shirar gelaya, xisbiyo la samaynayo kii ugu dambeeyey ee ADF ee Isbahaygsiga Dimuquraadiyadda ee Diridhaba lagu aasaasay, ONLF oo isaguna Godey shirweynihiisii ku qabsaday, dhaqdhaqaaqiisiina dhamaan deegaanka ka bilaabay. Markaa guud ahaan waxaan galnay marxalad ka beddelan tii hore oo tartan siyaasadeed, axsaab iyo siyaasad xaddaarad leh ku sallaysan loo gudbayo ayaa muuqda, waana arrin aad iyo aad u fiican oo shacabkeennu ku hamiyayo ah, balse waxaa loo baahan yahay in la maareeyo arrimahaa soo kordhay ee wanaagga ah oo nusqaantooda aan iska ilaalinno, waa wax u baahan in xoogga la saaro. Tusaale ahaan, haddii la yidhaahdo maxaa nusqaan ah ee soo kordhi kara marka tartan bilaabmo?

Maadaama oo bulshadeennu tahay bulsho aasaaskeedu qabiil yahay waxa soo kordhi kara in tartanku ku sallaysnaado qabaa’il, dhab ahaanna taasi way burburinaysaa deegaanka, dantii Soomaaliyeed iyo maanta xaaladda Itoobiya maraysana kama turjumayso danaheenna. Maanta qowmiyad-qowmiyad baa loo shirayaa, qowmiyad-qowmiyad baa loo tashanayaa, waxa la rabaa in fikirradii kala duwanaa ee axsaabta qowmiyadaha kasoo jeedaa ay qabaan inay iskusoo ururiyaan oo wixii tartan ahna ay tartamaan, wixii ay dalka ka rabaanna si guud ay u raadsadaan. Markaa arrinta nusqaanta rusqaanta Soomaalida ah ee qabaa’ilka si ayna u iman, waxaan u baahanahay inaan ka fogaano wax walba oo arrintaas keeni kara.

Waxa ka mid ah magacyada dadka qaybinaya, wax aka mid ah is-urursiga ku sallaysan qabiilka, waxa ka mid ah in si cad hayb loogu shaqeeyo.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu tilmaamay in magaca Dawladda Deegaanka Soomaalidu uu yahay midka kaliya ee midaynaya bulshada, laakiin haddii magac reer loo nisbanayo loo nisbanayo in ay taasi kala-qaybin doonto bulshada, waxaanu yidhi: “Deegaankan Waxa la yidhaahdaa, Deegaanka Soomaalida. Waxa loo yidhi deegaanka Soomaalida maadaama oo Soomaali ku nooshahay, hal qabiil kuma noola, markaa haddii magac kale meesha la keeno dadka aan magacaa raallida ka ahayn iyaguna waxay ku qasbanaanayaan inay magacyo kale ay samaystaan, taasi midnimadii Soomaalida ayay wiiqaysaa. Arrin markaa cid lagu ceebaynayo, ama dagaal lagu gelayo, ama dano siyaasadeed laga leeyahay maaha marka la leeyahay wixii shacabka qaybinaya innaga daaya ee waa maslaxo guud oo Soomaaliyeed. Waxa kale oo ka mid ah waxyaabaha qaybinaya, iyadoon magac qabiil ba lagu hadlayn, haddana is-ururin ku sallaysan qabiil uu jiro. Matalan haddii aad tidhaahdo Dulmi-diid baan ahay, ma waxaad u jeeddaa aniga mooyee inta kale waa dulmi-doon? Dulmi-diid dadka dulmigu ku dhacay oo dhan baa ah, dad dulmigay wadaan, nidaambaa dulmiga wada, dadna dulmigay diiddan yihiin, cid gaar u ah oo dulmi ku dhacay oo deegaanka joogaa ma jirto. Marka aad leedahay Dulmi-diid baan ahay, waxa lagaa rabaa inaad urursato dhamaan wixii dulmi diidanaa, laakiin haddii aad tidhaahdo, Dulmi-diid baan ahay oo aad hayb gaar ah meel ku urursato waxaad tahay ‘Xagjir-qabiil’, kamana duwanid ka magaca qabiilka sida caddaanka ah usoo qaatay, isku-mid baad tihiin waadse ka farsamo badan tahay. Markaa in waxyaabaha noocaas ah ee xagjirka qabiilka ee muuqda in deegaanka laga daayo ayaan ku talinayaa, shacabkuna waa inuu ka taxaddaro.”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu soo qaaday shirar qabaa’il oo socda oo ka duwan kuwa xisbiyada ee magaca reeraha sita, waxaana uu yidhi: “Shirar qabaa’il oo caddaan ah ayaa iyaguna jira. Haddii aad tidhaahdo beesha DIR baa shiraysa, ma waxaad u jeeddaa beesha DAAROOD na ha shirto, beesha HAWIYE na ha shirto, beesha RAXAN-WEYN na ha shirto? Ma waxaad u socotaa in 4.5 iyo wixii Somaliya ka jiray in halkan la keeno?.

Waxaanu rabnaa siyaasad fikir ku sallaysan inay timaaddo, haddii aad diiddan tahay xukuumadda, kolka ugu horreysa magac aan dadka qaybinaynin isticmaal, marka ku xigta cid gaar ah oo aad isku hayb tihiin ha urursanine, in kula mid ah oo xukuumadda diidan baa jirtee intaa ururso oo xisbi siyaasadeed oo hadaf leh oo xukuumadda waxay ku diiddan tahay dadka usoo bandhiga inaad samaysato ayaa la rabaa.

Sababta aan hadda arrintaa uga sii taxadaraynaa maxay tahay? Culays hadda jiraa ma jiro, laakiin waxa weeye ma rabno inaynu ku noqono 1991-kii oo Soomaalidii uu mid walba calan qaatay, 14 oo qabaa’il ah la sameeyey. Waxay taasi keentay in la qaybsamay oo cadowgii ka faa’iidaystay dagaal dheer la galay. Maskaxdii fikirkaa ka dambaysay haddii ay maanta sii socoto, doorkan dagaal ballaadhan oo soddon sannadood soconaya ma dhacayo laakiin deegaanka ayaa lagu kala tegaa, burbur deegaan baa dhacaya. Markaa dano siyaasadeed ciddii lihi inay burburiso dadkii ay maamuli lahayd sax maaha, waa khalad.”

Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey in loo baahan yahay midnimo Soomaaliyeed iyo dadka oo dhan ay gacmaha is-qabsadaan, waxaanu yidhi: “Waxaan u baahanahay midnimo Soomaaliyeed, in dad deegaanka jooga oo dhan ay gacmaha is qabsadaan, waxa ka maqan ee xaqooda ahna in iyagoo isku duuban ay doontaan. Sida deegaamada kale dad kala diimo ah innagu ma nihin, waxaynu nahay isku diin, isku luuqad, isku-dhaqan, markaa waxaynu haysanaa fursad ah wax inna mideeya oo Soomaali baa layna yidhaa, markaa maxaa innagu kallifaya inaynu Soomaali hoos uga daadegno. Haddii aynu hoos u daadegno Soomaalnimada, waxa soo socota halis, loomana baahna inaynu hoos u degno, waana mowqofka xukuumadda iyo xisbiga.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in soddonkii sannadood ee ugu dambeeyey ay Shacabka Soomaalida soo gaadheen dhibaatooyin badan oo xasuuq iyo dilal leh, loona baahan yahay in dadkii waxaas geystay iyo kuwa kale ay kala soocnaadaan, balse ay hadda isku-darsameen sababtuna tahay dhibaatada qabiilka, taas oo baabi’inaysa taariikhdii shacabka.

Waxa kale oo uu soo qaaday qurba-joogta dalka kusoo laabanaya iyo qaabka ay ugu biirayaan axsaabta iyo ururrada siyaasadda, taas oo uu xusay inay tahay farxad, waxaanu soo jeediyey in waxyaabaha laga midaysan yahay lagu dedaalo, iyadoo la yaraynayo waxyaabaha keenaya kala-duwanaanshaha, halka siyaasaddana ay tahay in lagu tartamo iyadoon lays dilaynin, sharcigana heshiis lagu ahaado, si masuuliyad lehna loo xisaabtamo.

Dhinaca siyaasadda, waxa uu Madaxweynuhu sheegay in isbeddelkii ka dhacay Itoobiya uu saamaxay in tartan siyaasadeed oo xor ah oo ay dawladda federaalku ballan-qaadday, laakiin ay tahay in la ilaaliyo, laguna heshiiyo shuruucda iyo qawaaniinta dalka.

Mar uu ka hadlayey Soomaalida waxa uu tilmaamay inay ka go’an tahay xukuumaddiisa, ayna dan u tahay inay shacabku ay helaan dad codkooda ku hadla oo metela, laakiin ay ku yimaaddaan tartan siyaasadeed oo aan kala-qaybin ku dhisnayn, isagoo si gaar ah u xusay in magaca Dawladda Deegaanka Soomaalida uu hore u bixiyey ururka ONLF markii uu xukunka hayey xilligii ay caasimaddu ahayd magaalada Godey, markaas oo ay u muuqatay magacaas mid aan ahayn ayna dadka ku xukumi karaynin, waqtiganna haddii ay doonayaan inay deegaanka maamulaan in aanay magac aan kaas ahayn keeni karaynin.

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar waxa uu ururrada siyaasadda usoo jeediyey in ay yeeshaan dulqaad ay ku qaataan fikirrada lasoo jeediyo ama ay kaga jawaabaan.

“Ururrada nabadgelyada qaatay ee deegaanka iyo kuwii sii joogayba fikir bay leeyihiin, fikirkooda looma diidin waa kuwaa bannaanka ku samaysanaya, laakiin marka fikirkooda mid ka duwan lasoo jeediyo ama xukuumaddu hasoo jeediso ama ashkhaas kale e, waa inay yeeshaan dulqaad ay ku qaataan ama kaga jawaabaan.” Ayuu yidhi Madaxweynaha oo sidoo kale xusay aan cidna lagu qabanaynin fikirkooda xorta ah sidii hore uga jiri jirtay deegaanka.

Madaxweynuhu waxa uu bulshada ugu baaqay in ay ka fogaadaan tartamada hoose ee gudaha si tartamada ka socda waddanka looga qayb-galo, iyadoo ay furan yihiin ku tartanka kuraasta madaxweynenimada, xildhibaanada iyo wasiirraduba, waxaanu yidhi: “Bulshada deegaanka waxaan ugu baaqayaa, tartamada waddanka ka socda si aan uga qayb-galno, tartamo aan loo baahnayn oo hoose yaynaan bilaabin, taana macnaheedu maaha yeynaan tartamin. Xildhibaannadu waxay ku tartami doonaan kuraasi, madaxweyne ayaa loo tartami doonaa, wasiirro ayaa loo tartami doonaa, waa caadi oo waa ddhaqanka siyaasadda ee Soomaaliga, qof inta uu meesha fadhiisto boqor ka noqonayaa ma jiro, duruufta maanta taaganna ma saamaxayso, laakiin waxaynu ku tartamayno ha noqdo: Anigaa dawladda kaga fiicnaan lahaa sida biyaha dadka loo gaadhsiiyo, anigaa kaga fiicnaan lahaa ladagaallanka maamul-xumada, anigaa kaga fiicnaan lahaa sugidda ammaanka, anigaa kaga fiicnaan lahaa shaqo abuurka dhallinyarada, anigaa kaga fiicnaan lahaa isku-keenka bulshada. Waa in ajandeyaal lagu tartamo, laakiin haddii la yidhaahdo, anigaa reer hebel ah ayaa sidaa ah waa wareer. Kursiga deegaanka Soomaalida ugu sarreeya ee halkan aan joognana, qof walba oo Soomaali ah oo muwaadin deegaanka u dhashay ah ayaa xaq u leh. Qaar baan arkayey leh ‘kursiga waxa lagu qaybsaday reer hebel baa leh’, lama odhanin. Xitaa xisbigan dhaliillaha badan leh ee hadda talada hayey uguma qorna dastuurkiisa madaxweynaha reer hebel baa leh, guddoomiyaha xisbigana reer hebel baa leh, waxay ahayd uun qaab saami-qaybsi markaa la sameeyey ee lama lahayn idinkuna waligiin kan (kursiga) jooga idinkuna kan (kursiga) jooga.

Mustaqbalka markaynu ilbaxno waxanba waa laga bixi oo laba qof oo isku-hayb ah ama isku deegaan kasoo jeeda ayaa labada kursiba haysan kara ilayn bulshadu adeeg ayuun bay u baahan tahaye, laakiin inta ka horreysa in iyadoo caddaaladdii iyo dheellitirkii la ilaalinayo cid waliba in aanay meel cayimanin waa muhiim, waana fikir xaddaari ah. Casru-jahalkii fikirradii jiray in bulshada lagu wareeriyo oo dhallinyarada soddon sannadood uu mustaqbalkoodu mugdi ku galo, cidda aaminsan ee mucaarad iyo muxaafidba way khaldan yihiin. Waan ogahay in fikirradaa aan sheegayo  in dhibaato naga soo gaadhayso shaqsi ahaan iyo maamul ahaanba oo hagardaamo iyo aflagaado naga soo gaadhayso laakiin xaqa in la bayaamiyo waa lagu khasban yahay.”