AKHRISO: Dagaalladii Ay Itoobiya Iyo MASAR Wada Galeen & Xurgufta Cusub We Hadda Taagan

Warc cusub oo kasoo kordhay ismari waaga dhismaha biyo-xireenka Wabiga Nile ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay ku gacan seyrtay dalab uga yimid dhinaca Masar oo ah inay billaabaan howsha la xiriirta qodista biyo-xireenka, kaasoo ilaa hadda la dhameystiray boqolkiiba 70.

Waxaa biyo-xireenkan laga sameynayaa wabiga loo yaqaanno Blue Nile oo u dhow xadka ay wadaagaan dalalka Itoobiya iyo Suudaan.

Itoobiya ayaa dooneysa inay sanadkiiba biyo-xreeka ka dhisto 40 billion oo mitir labo jibbaaran ah, sida uu sheegay wasiirka biyaha ee waddankaas, Celchi Bekele.

Mar uu kasoo laabtay safar uu ku tagay caasimadda Masar ee Qaahira ayuu wasiirku intaas ku daray: “Arrintan sax ma aha, annaga qudheenna waxaan u baahan nahay horumar mustaqbalka ah, sidoo kale biyahan waxay soo marayaan Suudaan, taasina cadaadis ayey na saareysaa”.

Waxaa kale oo uu sheegay in dalabka kale ee Masar ee ku aaddan biyo-xireenka Aswan uu yahay mid aan la aqbali karin.

Dagaal ma dhex mari karaa Masar iyo Itoobiya?

Maadaama la isku mari waayay wadaxaajoodka, suurtagal ma tahay in arrintu ay isku baddasho ficil milatari?

Dad badan oo ka mid ah kuwa wax indha idheeya waxay sheegaan in dagaalka adduunka ee xiga uu noqon doono mid ay sabab u yihiin biyo, waxaana jira dhowr meelood oo ka mid ah caalamka, oo ay ka taagan yihiin xiisado la mid ah tan ka jirta gacanka Nile.

Ismari waaga dhismaha biyo-xireenka Nile-ka wuxuu horseedi karaa dagaal ku saabsan biyaha haddiiba ay Itoobiya heshiis la gaari weyso Masar iyo Suudaan, inkastoo qolyaha arrintan u dhuun daloola ay rajo ka qabaan horumar laga gaaro xaaladda ka taagan gobolka.

“Masar waxay Hibo u tahay wabiga Nile”, sidaas waxaa oran jiray faraaciintii hore, laakiin waxay Ilaah ahaan u caabudi jireen wabiga Nile-ka.

Kumannaan sano ka hor iyo waliba xilliyadii ugu dambeeyayba, Masar oo gacan ka heleysa gumeystaha Ingiriiska waxay khilaaf ku lug lahayd khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya wabiga Nile. Waxay Masaaridu damacsanaayeen in wabiga qulqulkiisa loo soo weeciyo dhankooda oo kaliya,si ay iyaga uun uga faa’iideystaan.

Hase yeeshee, Itoobiya ayaa mar walba hortaagneyd abitaankaas, maadaama ay tahay waddanka uu ku dhammaado wabiga.

Sanado badan ayey taagneyd sheekada la xiriirta in biyo-xireen laga dhiso Blue Nile, balse markii ay Itoobiya billowday inay dhisto biyo-xireenka, waxaa qarxay kacdoonkii dalalka Carabta, Masarna waxay la tacaaleysay arrimo gudaha waddankeeda ah.

Dagaalkii ugu horreeyay

Laakiin ma jireen iska hor imaadyo milatari oo horay u dhex maray Masar iyo Itoobiya?

Haa, labo jeer ayuu dagaal dhex maray labadan waddan, Itoobiya ayaana ku guuleysatay labadaba, sida ay sheegeen dad badan oo ku xeel dheer taariikhda.

Masar waxay noqotay waddan awood milatari oo aad u weyn ku leh qaaradda Afrika xilligii ay soo ifbaxday boqortooyadii Cusmaaniyiinta.

Sidaas awgeedna in ay Itoobiya dagaal la galaan waxay ahayd lama huraan, maadaama ay Itoobiya ahayd boqortooyo awood weyn ku leh qaaradda.

Bishii Dsembar ee sanadkii 1874-kii, ciidamo ay leedahay Masar, oo tiradoodu dhan tahay 1,200 oo askari ayaa ka baxay dkadda Kassala, waxaana hoggaaminayay sarkaal u dhashay Switzerland oo lagu magacaabi jiray Monsinger.

Durba waxay qabsadeen Killin.

Bishii October ee sanadkii 1875-kii, ciidamo kale oo ka socday Masar, oo uu hoggaaminayay korneyl u dhashay Denmar oo lagu magacaabi jiray Sorn Arendob ayaa qabsaday gobolka Genda, waxayna ergay u direen boqorkii Itoobiya xilligaas heystay ee John VI, iyagoo ka dalbaday in la calaamadeeyo xuduudda.

Laakiin ergada intii aysan boqorka gaarinba, waxaa ka hor maray war sheegaya in Masaaridu ay ciidamadooda ku xoojiyeen 2,000 oo askari, ayna ku jiraan Ciidda Itoobiya.

14-kii bishii Nofembar, 1875-kii, ciidamadii uu watay korneyl Arendub waxaa lagu weeraray gobolka Gondet.

Ciidamada halkaas ka joogay Masar oo ay tiradoodu ahayd 2,500 waxay la fajaceen sida ay ciidankii Itoobiya u isticmaalayeen hubka gacanta lagu qaato.

Markii la gaaray 16-kii Nofembar, dagaalkii wuu dhammaaday, wax yar ayaana ka badbaaday ciidankii Masaarida.

Dagaalkii Gore – 1876

Ka dib markii Masar looga adkaaday dagaalkii hore, ciidamada Masar oo tiradooda la gaarsiiyay 20,000 oo askari ayaa weerar ku qaaday Itoobiya sanadkii 1876-kii, waxaana markaas hoggaaminayay Maxamed Rateb Pasha iyo Janaraal u dhashay Mareykanka oo la oran jiray William Loring.

Markii ugu horreysayba ciidankii Masaarida waxay gudaha u galeen magaalada Gore ee dalka Itoobiya, halkaas ayeyna fariisin ka sameysteen.

5-tii iyo 6-dii bishii Nofember, ciidamo Itoobiyan ah oo ay tiradoodu dhan tahay 200,000, aadna u hubeysan ayaa billaabay weerar ka dhan ah ciidankii Masaarida.

8-dii iyo 9-kii bishii Maarso ee sanadkii xigay, Ciidamadii Itoobiya waxay weerar ku qaadeen magaalada Gora, 10-kii bishaasna abaan duulihii ciidamada Masaarida ayaa qaaday dagaal rogaal celis ah, si weyn ayaana Masaarida loogu jabiyay halkaas.

12-kii Maarso, qunsulkii Faransiiska ee magaalada Massawa, oo lagu magacaabi jiray Monsieur Sarzac, ayaa tagay goobta dagaalka, ciidamadii dhaawaca ahaa ee Masaaridana waxaa loo daad gureeyay magaalada Massawa.

Ciidamadii Itoobiya waxay markaas ku hareen goobta dagaalka, waxayna la wareegeen qalab ciidan oo aad u farabadan oo ay wateen ciidamadii Masar.