Addis Ababa Oo Loo Doortay Martigelinta Shirweynaha FIFA Ee 2020 Iyo Faa’iidooyinka Itoobiya Ka Helayso

Zurich (Jigjigaonline) –  Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa martigelin doonta shirweynaha xubnaha xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA, kaas oo qabsoomi doona sannadka dambe ee 2020.

FIFA ayaa shaacisay in shirweynaheeda 70aad uu ka qabsoomi doono magaalada Addis Ababa, taas oo ku xigi doonta caasimadda Faransiiska ee Paris oo lagu qabtay shirkii 69aad.

Agaasimaha FIFA oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shir weynahooda soo socda uu ka dhici doono Addis Ababa, gaar ahaan Xarunta Union-ka, kaas oo qabsoomi doona bisha May ee sannadka dambe ee 2020.

Shirkii Paris ee toddobaadkan dhacay, ayaa waxa dib loogu doortay madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Gianni Infantino oo aanay cidina la tartamin, kaas oo xilka hayn doona illaa sannadka 2023.

Waxa kale oo shirka lagu ansixiyey miisaaniyadda sannadka 2020 oo ay ku jirto 810 milyan oo Dollar oo maalgelin kubadda cagta ah ay FIFA ku samayn doonto.

Qodobka saddexaad ee kasoo baxay ayaa waxa uu ahaa in shir weynaha 70aad ee FIFA ee ku muddaysan May 2020 lagu qabto caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Faa’iidada ugu jirta Addis Ababa iyo guud ahaan Itoobiya

Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya ayaa waxa kor usii kacaya sumcadda iyo magaceeda, waxaana hore ay u ahayd xarunta diblomaasiyiinta qaaradda Afrika iyo xarunta Midowga Afrika, waxaana muddooyinkii u dambaysay, gaar ahaan intii uu xilka hayey Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ay martigelisay shirar badan oo heshiisiin loogu samaynayey dalal ku yaalla qaaradda.

Horraantii sannadkan, waxa la shaaciyey in Addis Ababa ay martigelin doonto shirka dhaqaalaha adduunka (World Economic Forum), taas oo lagu dhawaaqay markii ay kulan yeesheen Abiy Ahmed iyo Prof Klaus Schwab oo ah aasaasaha WEF.

Bishii hore ee May, caasimadda Itoobiya waxay martigelisay oo lagu qabtay maalinta xorriyadda Saxaafadda (World Press Freedom Day) oo socotay muddo saddex maalmood ah, waxaana halkaas abaal-marinta loo yaqaano Houphet Boigny Prize lagu guddoonsiiyey ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.