Xukuumada DDS Oo Diyaarinaysa Dacwad Ka Dhan Ah Cabdi Iley

Jigjiga (Jigjigaonline) – Dawlada Deegaanka Soomalida ayaa diyaarinaysa dacwad ka dhan ah madaxwaynihii hore ee deegaanka soomalida cabdi maxamuud cumar.

Dacwadan ay diyaarinayso xukuumada deegaanka somalida ayaa ah, dambiyo kala duwan oo lagu eedeeyay masuuliyadeeda madaxwaynihii hore ee dds dacwadahasi oo isugu jira, Xasuuqii baahsanaa ee ka dhacay deegaanka, jidh dilkii loo gaysday kumanaan maxbuus oo ku xidhnaan jiray jeelasha deegaanka gaar ahaan jeelkii la odhan jiray, jeel ogaadeen kaasi oo ay ka dhacday jeelkaasi dil, jidh dil, kufsi iyo falal ka dhan ah bini-aadannimada, Iyadoona ay hay’adaha u dooda xuquuqul iinsaanka mudadii uu haystay cabdi maxamuud cumar deegaanka sida fiinta uga qaylyeen xad gudubyadii iyo gabood falyadii aan loo aabo yeelin ee qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka lagula kacay.

Dacwadani xukumada dds kuso oogayso ayaa waxaa gacanta ku haya hadda xeer ilaalinta guud ee DDS, waxaana la filayaa in dhawaan loo gudbiyo xeer ilaalinta guud ee heer qaran, si dacwadahan ay qayb uga noqdaan kiiska lagu eedaynayo madaxwaynihii hore ee deegaanka.

Waxaa xusid mudan in dacwada iyo kiiska lagu soo oogay madaxwaynihii hore ilaa iyo imika ay yihiin kaliya dhacdadii ka dhacday deegaanka 4tii August, wana markii ugu horaysay ee la diyaariyo dacwado dhan ka ah madaxweynihii hore oo la xadhiidha tacatiyadii laxaadka lahaa ee lagula kacay bulshada somaliyeed e kunool degaanka mudadii uu xilka hayay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*