XOG: Waa Maxay Sababta CABDI ILEY Iskugu Dayey Inuu Ka Baxsado Jeelka?

Jigjiga (JigjigaOnline) – Madaxweynihii hore ee Dawladda Deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) ayaa Isniintii isku dayey inuu ka baxsado Jeelka uu ku xidhan yahay ee Qality oo ku yaalla Magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu ku xidhnaa muddo sannad ah.

Cabdi Iley ayaa jeelka loo taxaabay 6dii August, 2018 iyadoo loo haysto tacaddiyo ka baxsan binu-aadanimada oo uu ku kacay muddadii uu xilka hayey kuwaas oo ay ku jireen dil, jid-dil, xadhig, baro-kicin iyo iska-horkeenka qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Muddo siddeed sannadood ah oo uu madaxweyne ka ahaa Dawladda Deegaanka Soomaalida, waxa uu Cabdi Maxamuud Cumar laayey dad badan oo muxtamim ah oo aan wax dembi ah gelin, waxa uu xabsiyo cadaab ah u samaystay shacabkii uu masuulka ka ahaa ee uu horumarkooda iyo badbaadintooda ka shaqayn lahaa. Waxa uu u samaystay Jeel Ogaadeen oo dad tiro badan ay ugu dhinteen ciqaabtii maalinlaha ahayd ee la marin jiray, halka dilka tooska ah, kufsiga iyo hantida ee la dhacayo ay wax iska caadi ah ka noqdeen.

Dhibaatooyinka aanay umaddu kasoo kaban doonin muddooyinka badan waxa ka mid ah in guud ahaan Dawladda Deegaanka laga mamnuucay madarasadihii quraanka laga baran jiray, sidoo kalena xabsiyada laga buuxiyey culimadii iyo dadkii diinta ee umaddu ku xidhnay, waxaana ujeeddada ugu weyn ay ahayd in umadda laga suuliyo Diinta Islaamka, lagana baabi’iyo dhaqanka suubban si ay u noqdaan cawaan ay xumaanta iyo wanaaggu isku mid u yihiin.

Lama garanayo ujeeddada uu Cabdi Iley ka lahaa arrimahan, hase yeeshee, midda ugu weyn ee laga fahmi karo ayaa ah inuu u arkayey in kursigiisa uu dhibaataynta bulshadiisa ku ilaashan karayo.

Madaxweynaha oo wali ay ku socoto dacwaddaha faraha badan ee dhibaatooyinka uu geystay, ayaa sida uu qoray wargeyska Addis Standard, waxa maalintii Isniintii oo ku beegnayd sannad-guuradii xadhiggiisa ay koox hubaysan isku dayeen inay xabsiga kala baxsadaan, iyagoo baabuur yar hor dhigtay jeelka uu ku xidhnaa xilli uu isaguna ku maqnaa Maxkamadda oo lagu dhegaysanayey kiis dacwadeedkiisa.

Itoobiya Oo Fashilisay Qorshe Cabdi Iley Kaga Baxsanayey Xabsiga, Tirada Dadka Loo Xidhay Iyo Qaabkii Wax U Dhaceen

Sida qorshaha kooxdani oo uu isagu (Cabdi Iley) diyaariyey ahaa, waxay doonayeen in marka laga soo celiyo maxkamadda ay xabbad oodda kaga qaadaan ilaalada, isla markaana ay kala baxsadaan Madaxweynaha, taas oo aan la ogeyn sida qorshahoodu uga badbaadi karayey ciidamada ammaanka haddiiba wajiga koowaad u suurtogalo.

Haddaba, maxaa sababay in Cbadi Iley uu isku dayo inuu ka baxsado jeelka?

Horraantii sannadkan ayey Ilaalada Jeelka uu ku xidhan yahay sheegeen in Cabdi Iley uu isku dayey inuu ka dhaco daaqadda qolka uu ku jiray, waxaana xilligaas warbaahinta la hadashay xaaskiisa oo sheegtay inay indhaheeda ku aragtay iyadoo la garaacayo saygeeda oo aad u cabaadaya.

Isku-dayga toddobaadkan, ayaa waxa uu noqonayaa kii labaad ee muddadii uu xidhnaa uu damcay inuu ku baxsado, waxaana ficilladiisan laga akhrisan karaa natiijada dacwaddiisa oo uu isaga u cad.

Madaxweyne dal dhan u talinayey inuu si sharaf leh xukunkiisa ugu dhex sugo jeelka uu ku jiro ayaa ah hab-dhaqanka caadiga ah ee la filan karayo, laakiin marka uu isku dayo inuu xabsiga ka baxado iyadoo aanu meelna ku badbaadaynin, waxay taasi caddaynaysaa inuu ogyahay xukunka ku dhici doona.

Si kastaba ha ahaatee, ficilkan u dambeeyey ee Cabdi Iley ayaa waxa uu caddaynayaa in dembiyo fara-badan oo lagu oogey lagu helay, caddayntoodiina la hor keenay, isagana ay u caddaatay in lagu ridi doono xukun adag oo ay u badan tahay in dil ama xabsi daayim uu noqdo, taasina ku kelliftay inuu qaado tallaabadan uu doonayey inuu ku baxsado.

 

 

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*