Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo Heshiis Ka Gaadhey Doorashada & Madaxweyne Biixi Oo Fulin Iyo Tanaasul Laga Sugayo

Hargeysa (JigjigaOnline) – Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADDANI ayaa heshiis wada jir ah ka gaadhay arrimaha doorashooyinka ee la filayo inay dalka ka qabsoomaan.

Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa warbaahinta usoo bandhigay heshiiskooda oo ay ku xusan yihiin qodobbo iyo tixraac waraaqo uu hore usoo saaray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Labada xisbi ayaa waxa kale oo ay soo magacaabeen labada xubnood ee lagu kordhinayo tirada Komishanka cusub ee doorashooyinka, kuwaas oo hore uu garyaqaanka Golaha Wakiilladu uga saaray mooshin la filayey in Golaha Wakiilada Somaliland kaga doodo kaddibna ansixiyaan si xal loogu helo dibu-dhacyada iyo muranka doorashooyinka.

Doorashada la filayo in dhamaadka sannadkan ay ka qabsoonto Somaliland ayaa waxa lagu soo dooran doonaa Golaha Wakiillada ee beddelaya kuwa hadda fadhiya oo lasoo doortay sannadkii 2005 iyo Goleyaasha Deegaanka oo sannadkii 2012 la doortay.

Halkan ka akhriso heshiiska Xisbiyada:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*