Qoyska Reer Cali Shucaa Oo Ka Hadlay Xadhig Iyo Tacaddi Lagula Kacay Xaaji Cali

Jigjiga (JigjigaOnline) –  Qoyska Reer Cali Shucaa ayaa war masoo saaray Xadhig Iyo Tacaddi to la la sheegey  in maanta lagula kacay Xaaji Cali Shucaa.

Xaaji Cali ayaa maanta lagu xidhay Magaalada Jigjiga, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka oo ku saabsan xadhiggiisa, hase yeeshee saacado kooban kaddib ayaa la sii daayey.

Oday Cali Shucaa oo ka mid odayaasha ugu caansan deegaanka, ayaa ka hadal sababta Keentay in la xidho, waxaana jira warar is khilaafsan oo kasoo baxay arrintan.

Cabdirashiid Cali Shucaa oo ka mid ah carruurta uu dhalay Cali Shucaa ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in tacaddiyo lagula kacay aabbihii, sababta lagu xidhay ay ahayd mid gardarro Iyo xad gudub ah.

Qoraal uu ku baahiyey boggiolisa Facebook ayaa waxa uu Cabdirashiid ku yidhi:

“Waxaan rajeynayaa in cadaaladda la horkeeno general Maxamed Yare oo jidh dil iyo xadhig sharci darro ah kula kacay Aabahay Xaaji Cali, haddii aysan cadaaladdu shaqeyn oon Sareynta sharcigu shaqeyn waxaa imaan doonta in lakala aarsado. Taliye boolis oo gacan qaadaya maaha mid sharci yaqaan ama bulshada sii maamuli kara.

Waxaa kale oon udigaynaa wiilka soo adeegsadey asaga iyo C/llaahi dheeraba ee baryahan aadka ubeegsanaya qof kasta oon qaraabo nahay Ina Hurre inuu joojiyo Colaadda iyo ciqaabta reer Cabdille Fiixiye, ilaahay yaan ku dhaartey inuusan faa’iido ka gaadhi doonin.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*