Qodobbada Lagaga Hadlay Kulan Madaxweyne Mustafe La Yeeshay Hay’adaha Dexis iyo MAC

Jigjiga (JigjigaOnline) – Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar oo uu wehelinayo Lataliyaha Arrimaha Saxaafadda iyo Isgaadhsiinta Maxamed Colaad, ayaa kulan la qaatay laba shirkadood oo si dadban ula shaqeeya hay’adda USAID.

Kulankan oo qaatay laba maalmood, ayaa intii uu socday, waxa layskula soo qaaday afar arrimood oo muhiim ah.

War-murtiyeed kasoo baxay xafiiska Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafadda iyo Isgaadhsiinta, ayaa waxa faahfaahin lagaga bixiyey nuxurka kulanka.

War-murtiyeedkaas oo dhamaystiran ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

“Waxa Madaxweyne Mustafa Omer iyo masuuliyiin kale ay la qaateen kulamo kala duwan oo laba maalmood qaatay wakiilo ka kala socota shirkadaha Dexis, Morrison Africa Communications (MAC).

Labadani shirkadood ee Dexis iyo MAC waa kuwo kala taliya hay’ada USAID, qaybteeda u qaabilsan taageerada ay u fidiyaan dawlada federaalka iyo kuwo deegaanada ee dhinaca xaqiijinta iyo hirgalinta is bedelka siyaasadeed ee haatan ka socda wadanka.

Hawlahanina waxa ay ku qotomeen waxaa ka mid ahaa:

  1. In faahfaahin laga bixiyo barnaamij ku aadan ka hortagga hadallada iyo olalayaasha nacaybka salka ku haya isku dhac bulshona keeni kara oo ay hirgalinteeda qayb ka tahay Jaamacada Jigjiga
  2. In fahfaahin laga bixiyo barnaamijyo ay soo wadaan oo ka caawin doona sidii dib u habayn iyo xidhiidh wada shaqayn oo fiicna ay u yeelan lahaayeen hay’adaha warbaahinta ee heer federal iyo kuwa heer deegaanba inta ka horeysa doorashada 2020ka.
  3. Inay noo faah faahiyaan qorshayaal gaar ah oo ay shirkada MAC damacsantahay in ay nagu garab istaagto adeegyo xirfadeed oo bilaa lacag ah isla markaana wax ka taraya yagleelida Tab-Hagaha Warbaahineed ee Deegeenka.
  4. Xog is weydaarsi ku aadan xaalada saaxafada ee deegaanka, caqabadaha jira iyo sidoo kale furasadaha sahlaya in is kaashi laga yeeshi sidii dhidibada loogu taagi lahaa dhaqan saaxafadeed oo xor ah, fur-furan, is la markaana ay ku dheehentahay xeel dheeri iyo tayo-xirfadeed.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*