Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Warbaahin Uu Gunneeyo U Isticmaalaya CEEBAYNTA Iyo Sumcad Dilka Haldoorka Iyo Aqoonyahanka DDS

Jigjiga (JigjigaOnline) – Muddadii sannadka ahayd ee uu xilka hayey Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar, waxa samaysmay mareego iyo baro bulsho oo si dadban ugu xidhan xafiiskiisa, kuwaas oo weerarro qaawan iyo sumcad dil ku hayey dadka haldoorka ah ee Deegaanka Soomaalida.

Inkasta oo madaxweynuhu uu marar badan meelo fagaare ah ka sheegay in ay ka go’an tahay ururinta iyo ka faa’iidaysiga aqoonyahannada ummadda Soomaalida Deegaanka, haddana waxa maalmihii ugu dambeeyey soo baxayey aragtiyo cusub oo si dahsoon uga soo muuqanayey warbaahinta u adeegta Madaxweynaha, kuwaas oo muujinaya inuu beddelay aragtidiisaas hore uu fagaareyaasha uga sheegay, isla markaana uu diyaarsaday tabo kale oo xeeladaysan oo uu doonayo inuu bulshada kaga dhex-saaro aqoonyahanka aragtida fog ee uu tuhunsan yahay in aanay la dhacsanayn qaabka uu maamulkiisu ku socdo.

Bilowgii hore ee waqtigiisa xafiiska, Madaxweyne Mustafe waxa uu soo dhoweystay qof kasta oo uu taageero ka heli karayey, sababtuna waxay ahayd inuu rumaysnaa in aanu xammili karaynin mucaaradad la bilaabanta, kaddibna waxa uu qurbaha iyo dalka gudihiisaba uga yeedhay rag badan oo aqoon iyo kartiba leh oo uu ka codsaday in iyagoo aan xilal haynin ay garabkiisa istaagaan, kana hor joogsadaan in canaasiirtii Cabdi Iley ay u helaan tabo iyo xeelado ay kursiga kaga tuuraan.

Tani waxay keentay in dadkii halganka u galay inay xukunka ka tuuraan Dhiigyo-cabkii Cabdi Iley, ay soo dhaweeyaan Mustafe Cagjar, seeskana la dhigaan unkidda xukuumaddiisii u horreysay, waxaana raggaas hormood ka ahaa hoggaanka ururka Dulmi-diid oo uga tanaasulay hankoodii siyaasadeed ee ahaa inay xukunka iyagu qabtaan, waxaana tanaasulkooda sabab u ahaa iyagoo is tusiyey in Madaxweynaha cusub ee Addis Ababa laga soo cumaamaday uu isaguba  ehelkiisa qaar ka mid ah ku waayey dagaalkii uu kula jiray Cabdi Iley.

Markii uu madaxweynuhu isku hubsaday in kursiga uu adkaystay oo aanay cidina si sahlan kaga tuuri karaynin, waxa uu lasoo baxay qaar ka mid ah xeeladihii laga bartay kursiga uu dhawaanta ku fadhiistay, taas oo gebi ahaanba ka hor timid filashadii shacabka dhibaatada badan ee sannadaha socotay loogu geystay amarradii kasoo fulayey kursigaas.

Madaxweyne Cagjar waxa uu markiiba iska fogeeyey cid kasta oo uu rumaysnaa in han siyaasadeed ku jiro, sidoo kalena mustaqbalka doonaya inay wax ka noqoto dalka, waxaana uu isku-shaandhayn ku sameeyey xukuumaddiisa oo uu ka eryey rag aqoon ahaan iyo caqli ahaanba bulshadu aaminsan. Raggaas qaarkood, waxa uu madaxweynuhu birta dhaafiyey markii ay u caddaatay in deegaanka ay kasoo jeedaan ay ku leeyihiin sumcad ka badan inta uu isagu ku leeyahay, hadalkoodana loo hoggaansamayo.

Waxa intaas xigtay, in Madaxweyne Mustafe uu abaabulay warbaahin dhinaca Baraha Bulshada ah oo uu isagu gunneeyo, kuwaas oo qoraallo been abuur iyo bahdilaad ah ka diyaariya qof kasta oo isagu qaniino amaba han siyaasadeed leh, waana xeeladdii Iley uu kasoo dheegtay.

Labadii maalmood ee ugu dambeeyey, baraha bulshada ee Madaxweynaha xafiiskiisa laga maalgeliyo, waxay weerarro qaawan ku qaadayeen aqoonyahanno uu hormood u yahay Axmed Xasan Baaji oo ka mid ah dhallinyarada ugu aqoonta iyo kartida badan guud ahaan DDS, kaas oo ahaa shaqsigii sababta koowaad u noqday in Cabdi Iley xukunka laga tuuro sannad iyo bilo ka hor isla markaana xabsiga la dhigo.

Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo Aqoonyahan Axmed Xasan Baaji

SRAJ News oo laga qoro Madaxtooyada DDS gudaheeda, ahna bar bulsho oo dad aan aqoon saxaafadeed iyo hab-qoraal wanaagsan midna lahayn ay qalin malmaluuqan dadka si qaawan ugu ceebeeyaan, ayaa waxa maqaallo ka reebban anshaxa iyo dhaqanka warbaahinta ay ka qorayeen Axmed Xasan, iyagoo illowsan in uu yahay qofkii kursiga ku fadhiisiyey Mustafe Cagjar, garabkiisana taagnaa intii uu naf ahaan isku-aamini lahaa inuu yahay Madaxweynaha DDS.

Waxa kale oo ay ilowsan yihiin SRAJ News oo afka ay ku hadlaan yahay midka Madaxweyne Cagjar, in Axmed Xasan uu ahaa qofka ugu horreeya ee uu talo iyo tusaalaynba weydiisan jiray muddadii sannadka ahayd ee uu xilka hayey.

Intaas oo dhan ka sokow, Axmed Xasan oo ah shaqsi akhlaaq badan oo ku dhaqanka Diinta Islaamku wajigiisa ka muuqato, kali kuma aha weerarka Madaxtooyadu ku hayso aqoonyahanka bulshada, laakiin waxa kale oo si la mid ah loo weeraray Axmed Cabsiiye, Guuleed Aw Cali iyo rag kale oo qaddarin ka mudan shacabka DDS.

Arrintan ayaa waxay dadka xasuusinaysaa Dembiile Cabdi Iley oo baraha bulshada iyo warbaahinta kaleba u adeegsan jiray ceebaynta iyo bah-dilaadda dadka uu la gaadhi waayo gacantiisa dhiigga leh, taas oo ugu dambeyn geysay Xabsi ku yaalla Addis Ababa oo uu ka dhex ooyo hadh iyo habeenba.

Si kastaba ha ahaatee, aflagaadooyinkan ayaa la rumaysan yahay inay yihiin kuwo si toos ah uga yimid Madaxweyne Cagjar oo ficilladiisu u muuqdaan inuu durba qaaday dariiqii Cabdi Iley, laakiin waqtigan dadku ma ogolaan doonaan in mar dambe ay ku noqdaan halkii ay ka yimaaddeen, waxaanay fahamsan yihiin inay fududdahay sida xilka looga tuuro qofka ku shaqayn waaya rabitaankooda ee kursigu kala weynaado sharafta iyo dhiigga ummadda.

Qoraalka lagu bahdilayo Axmed Xasan Baaji halkan ka akhriso iyo aqoonyahanka kale ee deegaanka:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*