Madaxweynaha Itoobiya Oo U Mahad-celisay Ambassador Maxamuud Dirir Oo Heshiisiiyey Sudan

Addis Ababa (JigjigaOnline) – Madaxwaynaha itoobiya marwo Ambassador Zahle-worke Zewde oo xalay casho sharaf usamaysay masuuliyiinta wasaarada arimaha dibada itoobiya iyo danjirayaasha itoobiya ufadhiya caalamka daafihiisa ayaa amaan iyo mahadnaq balaadhan usoo jeedisay Ambassador Mohumed Dirir, doorka uu kaciyaaray nabadaynta Sudan iyo guudahaan geeska Africa.

Madaxwaynaha ayaa sidookale dhiirigalisay dhamaan diblomaasiyiinta dalka heerarkooda kala duwan kuwaas oo mudo todobaad ah uu kulan uga socday magaalada Addis Ababa, kulankaas oo xooga lagu saaray dardar galinta shaqooyinka diblomaasi ee 2012, qiimaynta hawlihii 2011 TI iyo lamacaamilka wanaagsan ee beesha caalamka.

Waxayna danjirayaashan ku boorisay inay kor uqaadaan latashiga jaaliyadaha iyo muwaadiniinta kunool wadamada ay qaranka kumatalaan iyo kobcinta qadiyada midnimada afrika.

Ugu danbayna waxay sheegtay in Ambassador Mohumed Dirir uu mudanyahay in sigaara loogu mahad celiyo lagagana daydo shaqooyinka wanaagsan ee uu kasoo hoyi’yay hawlaha nabadaynta wadamada geeska Africa, gaarahaan dalka sudan, waxayna xustay inuu kor uqaaday sumcada qaranka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*