Maayarka Jigjiga Oo Shaaciyey Qodobbo Muhiim Ah Oo Lagu Soo Qaaday Shir Ka Dhacay Xafiiskiisa

Jigjiga (JigjigaOnline) – Maayarka Magaalada Jigjiga ayaa ka hadlay qodobbo lagaga hadlay shir ka dhacay xafiiskiisa, kaas oo ku saabsanaa sidii magaalada loo horumarin lahaa.

Maayar Cabdifataax Ibraahim oo muddo bil iyo dheeraad ah hayey xilka Duqa Magaalada Jigjiga ayaa waxa uu sameeyey isbeddel dhinaca maamulka ah, waxaana uu dardar geliyey geeddi-socodka shaqo maalmeedka iyo siyaasadda guud ee MMJ, taas oo uu ku bineeyey hannaan cusub oo si degdeg ah uu wax ugaga qabanayo bilicda, nadaafadda iyo adeegyada ay bixiso Dawladda Hoose oo loo fududaynayo shacabka.

Maayar Cabdifataax ayaa waxa uu toddobaad kasta shir la yeeshaa maamullada xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jigjiga, waxaana midkii ugu dambeeyey ee ay yeesheen maanta ay kusoo qaadeen arrimo muhiim u ah mustaqbalka magaalada iyo shacabka ku nool.

DAAWO SAWIRRO: Magaalada Jigjiga Oo Ku Ciidaysa Xaaladdii Ugu Xumayd Muddo Toban Sannadood Ah

Qoyska Reer Cali Shucaa Oo Ka Hadlay Xadhig Iyo Tacaddi Lagula Kacay Xaaji Cali

JIGJIGA: Khasaaraha Ay Geysteen Roobab Baraf & Dabaylo Watay Oo Maanta Ka Da’ay Iyo Muuqaalladii Dadka Ka Yaabiyey Ee Maanta

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Xafiiska Maayarka magaalada, ayaa waxa lagu faahfaahiyey ujeeddada kulamada toddobaadlaha ah ee maamullada xaafadaha uu xafiiskiisa kula yeesho maayarku.

Maayarka magaalada Jigjiga, Cabdifataax Ibraahim

Qoraalka ayaa waxa lagu yidhi:

“Todobaadkasta Hal Maalin Waxa Aanu La Kulanaa Mamulada Xafadaha Ay ka Kooban Tahay Magalada Jigjiga

Si Aan U Xaqiijino Xogna Uga Hello Waxa Ka Qabsoomay Ama Hirgalay.

Qodobada Ugu Muhiimsan Ee Aanu Ka Wada hadalnay Waxa Ka mid ahaa:

  • In Shacabka Loo Fudeedeyo Adeeg Bixinta
  • Dardar Galinta Bilicda Iyo Nadaafada Magalada
  • Arimaha Xisbiga
    Iyo Qodobo Kale

Waxaana Muhiim ah inlakala Warqaato kulankan Jimce kasta Waa Mid Aanu Qabano”

Saddexdan qodob ee kasoo baxay shirkan oo labada hore ay muhiim u yihiin bulshada, ayaa waxa Maayarka looga fadhiyaa inuu ka shaqeeyo sidii ay shacabku uga dareemi lahaayeen xafiisyada ay adeegyada u doonanayaan iyo dariiqyada qashinku buuxiyey.

Si kastaba ha ahaatee, muddadii uu xafiiska fadhiyey Maayar Cabdifataax ayaa waxa isasoo taraysay nadaafadda oo inkasta oo ay hawl baaxad leh tahay la dareemayo inay durba isbeddel ku yimid, laakiin midda labaad ee ah in adeegyada shacabka loo fududeeyo ayaa ah tabashada ugu weyn iyo cabashada ugu weyn ee bulshada, kuwaas oo marka ay adeegyada u doontaan xafiisyada uu waqti badan kaga lumo hawl daqiiqado kooban ugu dhamaan lahayd, taas oo ka dhigan in hagrasho iyo cago-jiid badan uu jiro, halka dadka qaarkoodna ay sheegaan in haddii ay laaluush bixin waayaan aan shaqooyinka si habboon loogu qabanaynin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*