Itoobiya Oo Faahfaahin Ka Bixisay Heshiis Ay La Gashay Somaliland

Addis Ababa (JigjigaOnline) – Dawladaha Itoobiya iyo Somaliland ayaa maanta heshiis ku kala saxeexday Magaalada Addis Ababa, waxaana qalinka ugu duugay wasiirrada Warbaahinta ee labada dhinaca.

Heshiiskan oo ay labada dhinac iskaga kaashanayaan dhinacyada saxaafadda iyo isgaadhsiinta ayaa waxa Itoobiya u saxeexay Maareeyaha Wakaaladda Warbaahinta (EBC) Dr. Negus Mitiku, halka Somaliland uu qalinka ugu duugay wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Maxamed Muuse Diiriye.

Maareeyaha Warbaahinta Itoobiya (EBC) oo heshiiska kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in heshiiska ay Somaliland la galeen uu yahay mid laamaha warbaahinta Itoobiya iyo Somaliland ay iskaga kaashanayaan arrimaha la xidhiidha farsmada, tababarrada, adeegsiga aaladaha casriga ah, is-weydaarsiga xogaha iyo maamullada xarumaha warbaahinta.

Heshiiskan ayaa waxa uu fursad u siinayaa Itoobiya inay xarumo ku yeelato gudaha Somaliland.

Dhinaca Somaliland ayaa waxa uu heshiisku dhigayaa in wakaaladda warbaahhinta EBC ay fursado taageero dhan kasta ah kusiiso Telefishanka Qaranka Somaliland iyo Idaacadda Radio Hargeysa.

Si kastaba ha ahaatee, qodobbada heshiiska oo dhamaystiran ayaanay labada dhinac midkoodna usoo bandhigin warbaahinta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*