Gabdhaha 10 jirka Kenya oo la siiyo dawada dhalma-joojinta

Nairobi (Jigjigaonline) – Qaar ka mid ah waaliddiinta Kenya ayaa billaabay iney gabdhahooda ka yar 10 jirka ay siiyaan dawooyinka dhalmada looga hortago.

Ismaamulka Kwale ee dalka Kenya ayaa la sheegay mid ka mid ah 5-ti gabdhood oo ay da’dooda u dhaxeyso 15-19 jir iney uur leedahay ama ay ilma dhashay.

Ismaamulka Kwale oo ku dhaw deegaannada xeebta tirada gabdhaha waxbarashadooda u joojiya uurka dartii ay aad uga badan yihiin dalka intiisa kale.

Kalaakaaliye caafimad oo arrimaha taranka ku shaqa leh oo BBC u warramay ayaa sheegay 10% gabdhaha dawooyinka dhalma-joojinta soo qaato iney da’dooda ka hooseeyso 14 jir.

Wuxuuna intaa ku daray gabdhuhu iney ka murgayaan uurka ku iman lahaa balse ay iska ilaalin iney ku dhacaan HIV iyo cudurrada kale ee galmada lagu kala qado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*