Gabadhii geesiyadda ahayd ee la saaxiibtay qabqablaha arxanka daran

Markii ay soo koreysay Betty Bigombe sannadihii 1950-naadkii, waxa ay iskuulka u lugeyn jirtay kiilo mitiro badan, waxayna ogeyn muhiimadda ay leedahay in ay waxbarasho hesho si ay u badesho nolosheeda, islamarkaasna bulshada wax ugu kordhiso.

30 sanno kadib ayay dib ugu laabatay deegaankii ay ka timid ee waqooyiga Uganda, halkaas oo ay dhabarka saaratay xallinta mashaakil muddo dheer ka jirey halkan, iyada oo isku dayday inay waanwaan nabadeed la gasho Joseph Kony, oo ah hoggaamiye kooxeedka jabhadda LRA ee arxan darada lagu sheegay.

Waxay ahaayeen qoys nasiib badan, maadaamaa ay taageero dhaqaale ka heleen kaniisad, taas oo u suurtogalisay in ay si wanaagsan wax u barato.

Sannadkii 1980-kii ayay jaamacadda soo dhamaysay, waa ay guursatay, waxayna dhashay labo carruur ah. Xilligaas waxaa socday dagaalkii u dhaxeeyay ciidamadii madaxweyne Milton Abote iyo jamhaddii Yoweri Museveni.

“Xilligaas waxaa qarinayay dad taageeroyaal u ahaa Milton Abote, waxaan la shaqaynayay haweenay Jarmal ah oo ka hawlgalaysay hay’adda UNHCR, dad ayaan ka kaxaynay Uganda, oo aan geynay Kenya, waxaan wadanay gaari uu ka babanayo calanka Qaramada Midoobay, taas oo naga caawisay in aanan jidgooyooyinka na lagu celin” ayay tiri Betty.

1986-dii waxaa madaxweyne Uganda ka noqday Museveni, wuxuuna Betty ka dhigay wasiir.

“Aad baan uga niyad jabay in wasiir la iga dhigay, sababtoo ah waxa meesha jooga oo dhan rag ayay ahaayeen, kaliya waxa ay iga rabeen in aan waraaqaha u akhriyo oo aan meesha fadhiyo, madaxweynaha ayaan u tagay, una sheegay in aan doonayo in aan is casilo, sababtoo ah waxaan doonayay in aan qabto shaqo rasmi ah, ma doonayn in aan buugaag isaga akhristo xafiisyada, aad ayuu ula yaabay taas, sababtoo ah dadka Afrikaanka ah xil wasiirnimo iskama casilaan” ayay tiri Betty.

Kadib Betty waxa ay la timid fikrad, taas oo ah in ay wada hadalo la furto kooxaha falaagada ee ka qarxay Uganda.

Musaveni ayaa ka ogolaaday, wuxuuna u direy waqooyiga Uganda.

Waxa ay ahayd meel laga wada cabsanayay, qoyskeeda iyo saaxiibadeedna waa ay oga digeen in ay meeshaas aaddo.

Waxaa hubanti ahayn in uusan jirin qof leh geesinimada in uu wadahalado la galo Joseph Konny oo ah hoggaamiyaha jabhadda LRA, kaas oo sheegay in uu heley waxyi Eebbe, kadibna askartiisii u sheegay in ay afduubtaan gabdhaha, kubsadaan, isaga oo wiilal u tabobaray in ay gabdhaha laayaan.

LRA ayaa warqad u qorey Musaveni, waxana ay ku sheegeen in uu u gefey maadaamaa uu usoo direy qof dumar ah. Balse taas waxbo kama badelin go’aankii Betty. LRA ayaa markale warqad usoo dhiibay qof ka mid ah dadkii ay waxyeelada u geysteen, markan waxaa waraaqda loo geeyey Betty.

“Ninkan waa uu yimid, xitaa ma garanayo sida uu ku badbaaday, isaga oo faruuryaha ka jaran, xubno kale oo jirkiisana ay maqanyihiin, oo uu dhiigga ka da’ayo, xitaa warqaddii loosoo dhiibay iyada dhan dhiig ayay ahayd, mana aanan taabanin” ayay tiri.

Waxa ay go’aansatay in ay warqad u qorto Kony, waxa ay ugu yeertay ‘wiilkeyga’, waxayna isticmaashay daliil xagga diinta ah si ay ku qanciso.

Ugu dambeyn, Kony waa uu aqbalay in uu la kulmo, balse iyada cabsi badan ayaa markan gashay.

Muddo kadib ayay ku kulmeen gudaha kaymaha, waxayna tiri iyada oo ka sheekeynaysa “Aad ayaa loo illaalinayay, muusig ayaa yeerayay, askarta qaar waxa ay u labisnaayeen sidii baadariyo oo kale, hub ayayna heysteen, waa ay heesayeen, dhulka ayayna ku rafanayeen sidii iyada oo uu jin hayo, isaga waxa uu xirnaa dharka askarta, waxaanan u malaynayaa in uu doonayay in uu i baqdin galiyo”.

Muddo 18 bilood ah markii ay kulamada socdeen, oo ay dhawr jeerna kulmeen ayuu aqbalay in uu duurka kasoo boxo, islamarkaasna bilaabo wadahadalo uu la yeesho Museveni.

Balse Musaveni ayaa inta fagaare ka hadlay u hanjabay Kony.

Kony iyo jabhadiisa waxa ay taas uga jawaabeen in ay laayaan illaa 300 qof kadib markii ay weerareen goob suuq ah.

Betty waa ay is casishay, waxana ay aaday Maraykanka.

“Aad ayaan u muraal dilaacay, diyaaradda dhexdeeda xitaa waan ku dhacay, waxa ay ahayd guul darro xannuun badan, balse ma ahayn mid aniga igu dhacday, ee waxa ay ahayd mid dadka ku dhacday” ayay tiri.

Jaamacadda Harvard ayay dib u gashay, waxayna shaqo ka heshay bangiga adduunka ee Washington.

Sannadkii 2004-tii ayay taleefishinka CNN ka aragtay war degdeg ah oo ku jira, kaas oo ku saabsanaa LRA oo gashay meel xero ah, kadibna dishay wax ka badan 300 qof.

“Kadib waxaan arkay sawir meesha ku dhex jira oo aan aniga ka muuqdo, oo la leeyahay waa qofka kaliya ee la kulmay Kony, fursadna u heystay in uu soo afjaro, markaas ayaan go’aansaday in la ii baahanyahay” ayay tiri.

Betty ayaa ku laabatay Uganda, waxayna isku dayday in ay kulan la yeelato Kony, waxana ay isticmaashay jeebkeeda, iyada oo diiday lacagta dowladda Uganda ee ay wadahadalada ugu talo gashay.

Sannadkii 2006-dii markii Betty ay salka u dhigtay heshiis lala gaaro LRA , ayay maxkamadda dambiyada adduunka Kony kusoo oogtay dacwado ka dhan ah xuquuqda insaanka iyo dambiyo dagaal. Sidaas ayuuna heshiiskii ku burburey.

Wixii markaas ka dambeeyay Kony iyo jabhadiisa waxa ay galeen is qarin, waxaana la sheegay in hadda xaaladiisa caafimaad aysan wanaagsanayn. wuxuuna kaliya haystaa illaa 100 askari.

Betty hadda waxa ay ka shaqaysaa weli bangiga adduunka, iyada oo u qaabilsan mashruuca xalinta khilaafaadka. Waxa ay safaro ku tagtaa adduunka daafihiisa, iyada oo tabobar siisa dadka dhexdhexaadiyeyaasha, oo ay la wadaagtaa casharadii ay duurka kasoo baratay.

Weli waxaa lasoo xiriira dagaalyahanada Kony “Bilo ka hor mid ayaa ila soo xiriiray, wuxuu igu yiri Kony markan wadahadalada dhab ayay ka yihiin, waxaan ku iri, ciyaarta iga dhaaf, caddeyn ii keen, isaga ha isoo woco, waan aqaanaa codkiisa” ayay tiri.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*