Shil Naxdin Leh Oo Ka Dhacay Gudaha Magaalada Hargeysa Iyo Tirada Dhimashada Illaa Hadda

Hargeysa (JigjigaOnline) – Ugu yaraan saddex qof ayaa geeriyooday tiro kalena dhaawacyo ayaa soo gaadhay kaddib markii booyad xawaare ku socotay ay jiidhay dad makhaayad fadhiyey.

Xaafadda New Hargeysa ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan waddada Waran Cadde ayaa waxay booyad ku jiidhay Kolay jaad lagu iibinayey iyo makhaayad ku agtaallay oo ay dad badani fadhiyeen, waxaana isla goobtaas ku geeriyooday saddex ka mid ah dadkii goobta fadhiyey.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay ciidamada booliska Somaliland, hase yeeshee, sida ay dad goob-joogeyaal ahi xaqiijiyeen, booyadda oo uu waday wiil 14 jir ah ayaa dul martay kolay iyo maqaaxi, waxaana isla goobta ku naf waayey saddex qof, halka ay dad kale oo aan tiradooda la xaqiijinin ay ku dhaawacmeen.

Sida goob-joogeyaashu sheegeen, booyadda ayaa waxay istaagtay makhaayadda badhtankeeda iyadoo dadkiina ku hoos jiraan, taasina waxay sii xumaysay xaaladda dadkii waxyeelladu gaadhay oo ay adkaatay in laga soo hoos saaro.

Qaar ka mid ah dadkii dhaawaca ah ee booyaddu aanay ku dul-istaagin ayaa cusbitaalka weyn ee magaalada loola cararay, hase yeeshee, waxa wali gurmad loo fudinayaa kuwa ku hoos jira.

Maayarka magaalada Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa qoraal uu bartiisa soo dhigay waxa uu tacsi ugu diray dadka ku geeriyooday shilka, laakiin muu xusin tirada dhimasada.

Si kastaba ha ahaatee, shilalka ay sababaan booyadaha biyaha dhaamiya ayaa kusoo badanayey Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*