Dawladda Itoobiya Oo Beenisay In Cabdi Iley Isku Dayey Inuu Ka Baxsado Jeelka Iyo Magaca Hal Qof Oo Gacanta Lagu Dhigay

Addis Ababa (JigjigaOnline) – Madaxa Maamulka Xabsiyadda Itoobiya ayaa beeniyey in Madaxweynihii hore ee dawladda Deegaanka Soomaalidu uu isku dayey inuu ka baxsado Jeelka Qality ee uu ku xidhan yahay.

Wargeyska The Reporter ee kasoo baxa Itoobiya ayaa shalay bogga afka Axmaariga ku qoray in uu fashilmay qorshe la doonayey in jeelka lagagala baxsado Cabdi Iley, isla markaana la diyaariyey baabuur yar oo la ag-dhigay jeelka uu ku xidhan yahay, laakiin ay ka war heleen ciidamada ammaanku oo ay gacanta ku dhigeen rag hubaysan oo hawl-galkaas fulinayey, kuwaas oo aanay haybtooda iyo tiradooda midna sheegin.

Sida uu wargeysku sheegay, hawlgalkan ayaa dhacay xilli uu Cabdi Iley ku maqnaa maxkamadda oo lagu dhegaysanayey kiisaska faraha badan ee loo haysto. The Reporter waxa kale oo uu tilmaamay in raggan hubaysan uu mid ka mid ah dhaawac soo gaadhay markii ay isku dayeen inay is difaacaan, waxaana uu intaas raaciyey in ay guri ka kiraysteen duleedka xabsiga oo ay hawl-galkooda uga diyaar-garoobayeen.

Haddaba, Taliyaha xabsiyada Itoobiya oo u warramay telefishanka Ethiopia Satellite Television (ESAT) ayaa waxa uu sheegay in warkaas aanay waxba ka jirin oo aanay ka war haynin cid isku dayday inay jeelka kala baxsato Cabdi Iley.

Dhinaca kale, Idaacadda Radio Wazema oo xarunteedu tahay magaalada Addis Ababa ayaa waxay beenisay isku-dayga baxsiga ee Madaxweynihii hore ee Dawladda Deegaanka Soomaalida.

Idaacadda ayaa warkii ay xalay baahisay waxay ku sheegtay in rasaas ay ka dhacday agagaarka Jeelka Qality ee uu ku xidhan yahay Cabdi Iley, laakiin uu ahaa hawlgal ay ciidamada boolisku doonayeen inay kusoo qabtaan nin magaciisa lagu sheegay Tamrat Bekele Tolla oo lagu eedeeyey inuu rasaas ku furay saraakiil boolis ah, halkaana lagu soo qabtay isaga oo dhaawacan.

Si kastaba ha ahaatee, warkan oo aanu kasoo xiganay warbaahinta Barkena ayaan soo bandhigin magacyada masuuliyiinta warbaahintan la hadlay.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*