Cabdul Wahaab Al Saacidi : Waa kuma janaraalka muranka badan ka dhaliyay gudaha Ciraaq?

Baghdad (JigjigaOnline) – _

Dalka Ciraaq waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay dibadbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeeday musuq maasuqa iyo shaqo la’aanta ka taagan dalkaas, waxaana rabshadahaas ku dhintay tiro dad ah halka dadka kalena ay ku dhaawacmeen.

Dibadbaxyaasha waxay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ka dhan ah xukuumadda Ciraaq, waxay sidoo kale ka careysnaayeen in Janaraal Cabdul Wahaab Al Saacidi in laga qaado xilkii taliyaha ciidammada la dagaalanka argagixisada kaas oo loo wareejiyay wasaaradda gaashaandhigga ee Ciraaq.

Go’aanka lama filaanka ah ee xilka looga qaaday janaraal Cabdul Wahaab wuxuu Ciraaq ka dhaliyay muran badan, waxaana waddooyinka magaalada Baqdaad buux dhaafiyay dadweyne ka careysnaa tallabadaas.

Waa kuma Janaraal Cabdul Wahaab Al Saacidi?

Janaraal Cabdul Wahaab Al Saacidi wuxuu sannadkii 1963-dii ku dhashay degmada Sadra City oo ka tirsan magaalada caasimadda ah ee Baqdaad.

Sannadkii 1985-kii wuxuu ka qalin jebiyay kuliyadda ciidammada militariga ee Ciraaq.

Wuxuu soo shaac baxay xilliggii dagaalka lagula jiray ururka la magac baxay Dowladda Islaamka, wuxuu hoggaaminayay dagaalkii dib loogu qabsaday magaalada Mowsil kaddib muddo 9 bilood ah oo magaalada lagu hareereysanaa sannadkii 2017-kii.

Markii uu dhacay maamulkii gobolka Anbar ee dalka Ciraaq wuxuu Cabdul Wahaab hogaaminayay ciidammada la dagaalanka argagixisada iyo ciidamo gaar ah kuwaas oo xoreeyay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan koonfurta magaalada caasimadda u ah gobolka Anbar ee Ramadi.

Janaraal Cabdul Wahaab Al Saacidi wuxuu afar jeer ku dhaawacmay dagaalladii ka dhanka ahaa ururka IS.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*