Boqor Salmaan Oo Wiil Uu Dhalay U Magacaabay Wasiirka Macdanta Sucuudiga

Riyad (JigjigaOnline) – Boqorka Dalka Sucuudiga ayaa Wasiir cusub u Magacaabay Wasaaradda Macdanta ee dalkaasi, ka dib markii uu Xilkii ka qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi.

Boqor Salmaan ayaa Wasiirka Wasaaradda Macdanta ee Sucuudiga u Magacaabay Wiilkiisa Amiir Abdulaziz bin Salman, kaasi oo sida la sheegay ka mid ah Dadka xilligan ugu awoodda badan Boqortooyada Sucuudiga.

Abdulaziz bin Salman ayaa xilka Wasaaradda Macdanta kala wareegaya Khalid Al Falih oo hore xilka Wasaaraddaasi muddo dheer hayey, balse uu Boqor Salmaan xilka ka qaaday toddobaadkan.

Cabdulcasiis Bin Salman – Wasiirka la magacaabay

Warkan ayaa waxa Axadda Maanta baahisay Wakaaladda Wararka ee Boqortooyada Sucuudiga ee Magaceeda loo soo gaabiyo SPA, taasi oo soo xiganaysa Digreetadii ka soo baxday Boqortooyada Sucuudiga, sida uu sheegayo Wargeyska The National oo ka soo baxa Imaaraadka Carabta.

Wasiirkii hore ee xilka laga qaaday Khalid Al Falih

Wargeysku wuxuu sheegayaa in haddii la beddelay Wasiirkii Macdanta ee Sucuudiga aan la beddelin Siyaasaddii lagu maamulayey Shidaalka Sucuudiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*